M/weynihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay Hadalkii Sanbaloolshe kasoo baxay.

MUQDISHO(P-TIMES) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud haddana ah gudoomiyaha Xisbi siyaasadeedka UPD ee uu katirsan yahay Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa iska fogeeyey in ay tahay hadalka Sanbaloolshe mid ku wajahan aragtida Xisbigiisa.

Madaxweynihii hore oo war qoraal ah ka soo baxay Xisbigiisa ku saxiixnaa ayaa sheegay in isbedelada siyaasadeed iyo arrimaha ka socda Soomaaliya ay mar kasta jiho u socdaan.

“Siyaasadda Soomaaliya ee xilliyadaan dambe waxay ahayd mid gabi dhacleyneysa oo aan jihaysneyn, sidaas daraadeed ayaa mararka qaar lala kulmaa aragtiyo kala duwan ama ka durugsan mabadi’dii siyaasadeed ee asaasiga inoo ahayd, taas oo ku qeexan dastuurka Kmg ah, oo siinaya muwaadiniinta Soomaaliyeed xuquuq siyaasadeed oo siman”

Xassan Sheekh oo ka hadlayay hadalkii kasoo yeeray Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa uga jawaabay sidan “Baryahaan waxaa baraha bulshada yiillay ra’yi uu ka hadlay mudane Cabdullaahi Maxamad Cali (Sanbaloolshe)” ayaa lagu yiri warka Xassan Sheekh.

Madaxweynihii hore wuxuu qiray in Taliyihii hore ee NISA uu katirsan yahay xisbiga Nabadda & Horumarka ee Soomaaliya ee loo yaqaano UPD oo ay ku mideysan yihiin inta badan siyaasiintii Xukuumaddiisii, haddana wuxuu sheegay in hadalka Sanbalolshe yahay aragti isaga u gaar ah “Mudane Sanbaloolshe waa mas’uul ka tirsan Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD), hase yeeshe arrinka uu ka hadlay ee la xiriira siyaasadda qabaliga ah, ka mid ma aha mabaadi’da Xisbiga UPD ee ku cad xeerka iyo barnaamijka Xisbiga ee waa ra’yiga gaarka ah ee mudanaha”

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*