Maxkamadda ICJ oo war cusub ka soo saartay kiiska Soomaaliya iyo Kenya

Maxkamadda ICJ ayaa waxaa ay soo saartay war cusub oo la xiriira habka dhegeysiga kiiska Badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Waxyaabaha Maxkamadda ka cusub waxaa ka mid ah in dhamaan dadkii isu diiwaangeliyay ka qeybgalka kiiska dhegeysigiisa la faray in ay dib isu diiwaangeliyaan waliba dhinaca Internetka.

Maxkamadda waxaa ay sheegtay in Diblomaasiyiinta,Warbaahinta iyo ka qeybgalayasha kale ee isdiiwaangeliyo loo fiirinayo sida ay u kala horreeyeen sidaasna loogu adeegayo oo aysan jirin diiwaangelin horudhac ah ama boos ceshi.

Waxaa kale oo ay maxkamadda sheegtay in dhamaan dadka daneynaya ka qeybgalka dhegeysiga kiiska ay heystaan ilaa 24ka Bisha October wixii ka dambeeyanaya aan codsigooda la tix gelin doonin.

Maxkamadda waxaa ay dhegeysiga billaabi doontaa Maalinta 1aad oo ah Isniin ah 4ta November waxaana maalintaas iska leh Soomaaliya oo hadli doonta 10:00AM ilaa 1:00PM iyo 3:00PM ilaa 4:30PM Galabnimo.

Sidoo kale Kenya ayaa hadli doonta maalinta  Arbacada ,waxaana ay Kenya hadli doontaa 10:00AM ilaa 1:00PM iyo 3:00PM ilaa 4:30PM Galabnimo.

Maalinta 2aad ee Soomaali ahna maalinta 3aad ee dhegeysiga ayaa ku beegan Khamiis 7da Bisha November, waxaana uu dhegeysiga Soomaaliya soconayaa 3:00PM ilaa 4:00PM galabnimo.

Maalinta 2aad ee Kenya ahna maalinta ugu dambeysa dhegeysiga kiiska ee 4aad waa Jimco 8dda November waxaana ay Kenya hadleysaa 3:00PM ilaa 4:00PM galabnimo.

Dhegeysiga Kiiskan oo lagu waday in uu billowdo sagaalkii bishan ayaa dib loo dhigay kaddib markii saddexdii Bishan Kenya dalbatay in muddo 12 bilood ah dib loogu dhigo si ay u qaadato Qareenno cusub, hayeeshee ICJ ayaa muddada dib u dhigidda ku soo koobtay laba bilood markii ay Soomaaliya diidday codsiga Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*