OGAYSIIS MUHIIM AH: Oo kusocda Akhristayaasha iyo Daawadayaasha Puntlandtimes

Sidda aad la socotaanba daawade Xukuumadda Puntland ayaa shalay sheegtay in ay deegaanadeeda ka xirayso in laga daalacdo mareegta Puntlandtimes oo iskugu jirta qeybta Youtubeka iyo website-ka.

Puntlandtimes waa warside madax banaan oo si toos ah aad uga helayso macluumaadka Soomaaliya iyo Barriga Afrika, sidaas oo kale qeybta Muuqaalka ee Youtube Chanelka ee Puntlandtimes, isna waxaa ka helaysa Falanqeymo iyo Wararkii u dambeeyey oo muuqaal ah.

Haddii aad kusugan tahay deegaanada Puntland, aadna isticmaalayso khadka Internetka ee shirkadaha Isgaarsiinta GOLIS iyo Somtel, si fudud ayaad ku heli kartaa wararkeena oo aan caqabad kaaga imaaneyn.

Waxaad tagaysaa Play Store-ka mobilkaaga gacanta iyo Cumputerkaaga waxaadna ku qoraysaaa (VPN) waa aalad ku sahlaysa in mareeg kasta oo ay shirkaduhu mamnuuceen aad daalac karto.

Xogaheena halkaas ayaad kuheli kartaa, sidaas oo kale barteena Facebookga ee Warsidaha Puntlandtimes iyo Youtube Channelkeena Puntlandtimes ayaad si toos ah ula soconaysaa.

Daawade iyo Akhriste akhbaartan lasii wadaag Asxaabtaada.

F/G:- VPN waa adeeg bilaash ah (FREE), sidaas oo kale waa Amni la hubo oo ay ka hubiyeen bahda PUNTLANDTIMES.COM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*