DAAWO: Puntland oo digniin u dirtay DFS sheegtayna in ay go`aan gaarayso Hadii aan la fulin.

GAROOWE(P-TIMES) – Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sheegay in aan dowladda federaalka ah ee haatan laga aqbaleyn muddo kororsi, isaga oo sheegay in dadka Soomaalidu keliya heshiis ku yahay in afartii sanoba mar ay doorasho dhacdo.

Madaxweyne Deni, waxa uu dowladda federaalka ku eedeeyey in iyadoo waqti doorashada ay dhow dahay aysan sameyn hannaan doorasho, waxa uu sheegay in Puntland ay aragti ka yeelaneyso sida ay noqon doonto doorashada soo socota ee 2020-ka.

“Labo sano iyo badh kaddib ma hayno hannaan doorasho, waase rajeynaynaa, dalku waqti kororsi kama bixi karo, Soomaalidu waxa keliya ee haatan ay heshiis ku tahay waa in afartii sanoba mar doorasho dhacdo ilaa burburkii”. Ayuu yidhi Deni.

Saacado ka hor Odayaasha dhaqanka ee beelaha Koonfur Galbeed, waxay sheegeen in aysan diyaar u aheyn doorasho ku dhacda habka Xisbiyada badan, balse ay diyaar u yihiin doorasho ku timaada nidaamka 4.5 ee hadda ay ku dhisan tahay dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Tanni waa bilowga is hardiga siyaasadeed ee kuwajahan doorashada Soomaaliya ee 2021-ka, waxaana dawladda Soomaaliya ay faa’iido u aragtaa in is qabqabsigan ka dib uu imaan doono xal rasmi ah oo ay dhinacyadu gaari doonaan.

Puntland waxay sheegtay in ay hab fikirka doorashada nooceeda go`aan ka gaarayso, balse is weydiimaha faraha badan ee kuxeeran ayaa ah qabka ay dhinacyadu kala qabaan, gaar ahaana Puntland waxay doonaysaa doorasho ka bedelan mida qabaa`ilka, halka in badan oo kamid ah Soomaaliduna ay sidaas doonayaan.

5 Comments

  1. Qof xeer uu oggoladay xukunkiisa ma diido , deni iyo siyaasiin badan waxay taageereen doorashadii is magacaabidda iyo fawdada ahayd ee Axmed madoobe, iyagoo ugu sacabtumay baslmarkii iyo ku tumashadii habraacii doorashada jubboland. Axmed madoobe wuxuu sameeyay fawdo aan hore somalia 🇸🇴 uga dhicin, haddaba ragga taageeray Axmed madoobe fawdadii uu sameeyay miyaa Ka hadli kara haddii madaxda dawladdu ay samayso muddo kororsi, intaadan falin Ka fiirso, fudaydkii Axmed madoobe loo taageeray yaysan idinku cuslaan

    • ASC.
      1.Say u egtahay doorashadii ay dadka gaarka ahu doorteen Axmad madoobe ma ahayn doorasho nadiifa.Hase ahaatee Ina farmaajo isba waxuu ku yimid doorasho XAAMAAR iyo laaluush ahayd.
      2.Ina farmaajo xamar buusan waxba ka ahayn ee seebuu kismaayo ugu doolaalo tagi karaa?Meeshii loo magacaabay Ina farmaajo ayuusan waxba ka qaban ee maxuu kismaayo ka tari karaa?Meesha isaga ay ajaanibtu ku waardiyeyso buu dhagaxan ku wareejiyey suu uga nabad galo AL-shabaab.War ma nin saas u dhuumanaya baa lagu halaynkaraa dal iyo dadkiis?
      3.Axmad madoobe lama ammaanin laakiin hadda Ina farmaajo wuu ka garadaran yahay ninkaas.Sababtoo ah soomaaliya waxaa ka dhacay dagaalo sokeeye.Waana la kala haajiray oo ay qoloba meel ku habsabatay.Axmad Madoobena isagaa Shabaab kula diriray kismaayo oo ka cayrsaday.Markuu Axmad la dagaalamayey Shabaab Ina farmaajo new york ayuu ka sheekaynayey.Tan kale haddii uu Ina farmaajo hayo camal dan u wada ah soomaaliweeyn oo uu fara galiyo arimaha puntlaan iyo jubbalaan waynuu oran lahayn waa madaxweynihii wadanka ee illaa iyo heer waa in la maqlaa hadaladiisa.Laakiin maanta ma uu hayo wax lagu maqlo iyo wax lagu citiraafo waxuu yahay.Ina farmaajo sidii loo haystay ma aha umana dhawa.
      4.Ugu dambayn intii Axmad Madoobe lala diririlahaa oo ay ku dhiman lahaayeen soomaali maanta nool waxaan ku talin lahaa haloo kaadiyo oo siyaalo qaboow haloola xaajoodo oo halaga daayo caga juglaynta iyo handadaada joogtada ah.War ninku waa jabhad xabadona wuu haystaa ee taas meesha ha lagu daro.Haddii uusan dhiman isagaa iska tagi doona gooraan fageeyn ee ha loo kaadiyo arinta kismaayo.Axmad kismaayo xoog buu ku qabsaday walina ku haystaa ee nabad meesha hala keeno.Ina farmaaajona xoog waxba ugama qaadi karo Axmad madoobe.Ina farmajo awooda uu isku halaynayaa waa Maleeshiysaadka USC.Haddii ay USC soo faro galiso kismaayo xaalku waji kaluu yeelanayaa oo xaajadu way is badalaysaa.Calaa kulli xaal Axmad madoobe kaligiid aha.

    • ASC.
      KU:Kayse.
      Deni iyo Axmad Madoobe siyaalo badan bay wax u wada dhexmari karaan.Maamul ku sheega daciifkaa ee xamar laga sheego isku si buu il gaara ugu wada hayaa jubbalaan iyo puntlaanba.Taasina waa ciladaha lagu yaqaan madaxda beelaha USC.Deegaanada USC waxbaa la taraa oo waxba xamar kama hagrato.Puntlaan iyo jubbalaana dagaalaa lagu wada hayaa.Heedhee Kaysoow taas meesha kudar war ma hayside.Deegaanada hawiye waxaa lagu bixiyaa malaayiin doolar oo intaas waa la wada xanaaneeyaa.Kuwa daaroodna dagaalo ba’an bay xamar ku haysaa.But who cares.War Deni waxuu ogyahy wax badan oo aynaan ogeeyn oo ku saabsan damaca madaxda USC ee ay ka damacsan yahiin puntlaan iyo jubbalaan.Haddii uusan Deni maanta xaq ku caawin Axmad madoobe isagaa ku xigi doona oo ay USC u soo miciyo lisanaysaa.Reer USC marna raali kama noqonayaan jiritaanka maamulada beelaha Daarood.Waayo waxay diidan yahiin nidaamkii ay soomaaliweeyn ku heshiisay ee ah federal system.Daaroodna ma rabo waxaan ahayn federaal.Waayo Daarood ma doonaya in uu mar dambe Hawiye xukun ku dhexmaro xamar.War xamar lagu kala tag oo waa kaas la isku qalanayo ee nin yahoow taada ka raaco.Ina farmaajo iyo USC-da uu wato meel ma gaarayaan intay leeyahiin hala xumeeyo puntlaan iyo jubbalaan.

  2. Dameerkuna uma dinaahiyo, waxa kan afkiisa ka yeeray, Wax aan islahayn ha isu keenin, Axmed madoobe, waa madaxweyne Doorasha xaq ah ku soo baxay, soconmeyso kan baan watey ha soo baxo, waxaas waa la soo dhaafey, Dini in uu taageero Xaq buu u leeyahay.

  3. Waxan Donaya in aan ucaqli celiyo qofkasta oo Tagera wax aan Dastur ahan,waxa ladonaya qofka Qolo tagersan in uu ahado qof wax tixracaya,waxa uu tixracayo wa in aay ahadan wax sax ah oo sharci ah,qofka ha ku tagerin wax sharci daro ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*