Puntland oo ka jawaabtay hadal kasoo yeeray Somaliland, sheegtayna in uu dulmane yahay Taliyihii hadlay.

BADHAN(P-TIMES) – Taliyaha qeybta 9-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur oo warbaahinta kula hadlay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Abbaan-duulaha ciidamada Somaliland kaasi oo ku hanjabay in Somaliland ay dib u qabsan doonto magaalada Badhan iyo degaannada kale ee gacanta u galay Puntland.

Taliye Canshuur ayaa Abbaan-duulaha ciidamada Somaliland ku tilmaamay mid dulmane u ah saraakiil ka soo jeedda magaalada Hargeysa oo sida uu xusay cabsi-gelin iyo xoog wax ugu yeeriya maadaama isagu uu yahay nin reer Awdal ah balse aysan niyad ka ahayn hanjabaaddiisa ku aaddan Badhan.

Gen Canshuur ayaa sidoo kale sheegay in degmada Badhan dadkii lahaa ay Somaliland ka eryeen islamarkaana aysan dib dambe u soo hawaysan karin maadaama raggii u dhashay ay heegan u yihiin in ay difaacan.

Puntland & Somaliland ayaa isku haya muran xagga xaduudaha, gaar ahaana Sool, Sanaag iyo Cayn, waxayna dhawaan labada hogaamiye ee maamuladan ay sheegeen in ay wada hadal kagalayaan, gaar ahaana Muuse Biixi iyo Siciid Deni.

Talaabooyinka ay hadda wadaan ee kuwajahan gobalka Sanaag ayaa ah kuwa ay labada dhinacba ku kala guuleysteen, waxayna Puntland hadda qabsatay dhammaan dhulka Somaliland u taqaano Sanaag Barrio o ay dagto beesha Warsangali, waxaana sidaas oo kale ay dagaalo Somaliland uga furan yihiin buuraleyda Sanaag oo uu hadda bilaabay Korneylka horey uga tirsanaa ciidamada Somaliland ee Col, Caare.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*