Shirkii Billaha ahaa ee Guddiga Fulinta ee Mashruuca CIP oo Garoowe ka furmay

Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta Mashruuca CIP ee Tayaynta hay’adaha dawladda Puntland ayaa manta ka furmay xarunta Wasaaradda qorshaynta dalwadda Puntland iyadoona ay kasoo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan hay’adaha dawladda eek a faaideysanaya Mashruuca.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin dib u eegista mashruuca ee bilihii lasoo dhaafay iyo qorshaha u diyaar garowga shirk a dhici doona muqdisho oo looga xaajoon doono dardargelinta mashruuca CIP oo sidii mudada loogu kordhinlahaa mashruuca oo oo Puntland ka hawlgeleyey 4tii sano ee lasoo dhaafay.

Muddadii uu mashruucu ka shaqaynayey Puntland ayaa waxaa si toos ah uga faaiidaysanayey sagaal hay’adood oo ka tirsan dawladda kuwaas oo laga caawinayey shaqaalaysiinta shaqaale cusub oo tayo leh, tababarro isdaba joog ah oo lasiinayey shaqaalaha iyo samaynta siyaasado muhim ah oo loo sameeyey qaybo kamid ah hayádaha dawladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*