Somaliland oo beenisay in ay xiriir la leedahay Al-Shabaab

Abaandulaha Ciidanka  Somaliland oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa ka hadlay dagaal ka dhan ah Somaliland oo dhawaan uu ku dhawaaqay taliyaha Ciidanka Puntland oo gaaray gobolka Sanaag.

Waxaa uu sheegay Abaanduulaha in Somaliland aysan dagaal diyaar u aheyn, islamarkaana ay ugu baaqayso maamulka Puntland nabad iyo xasilooni.

Waxaa uu sidoo kale beeniyay in Somaliland ay xiriir la leedahay Al-Shabaab isagoo sheegay in degaanada Somaliland Al-Shabaab aysan ku laheyn wax saldhig laakiin ay ku leeyihiin degaano ka mid ah Puntland.

Abaanduulaha ayaa sheegay in Somaliland ay gacanteeda ku soo celin doonta degmada Badhan oo dhawaan Puntland ay sheegtay in ay la wareegtay.

Xiisadda ka dhaxeysa maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa xoogeystay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana labadda dhinac ay isku diraayeen Hanjabaadyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*