TOOS U DAAWO: Ciyaarta dhexmaraysa Xulalka Soomaaliya & Zimbabwe

Ciyaar xiiso badan ayaa dhexmaraysa hadda xulalka Qaranka ee dalalka Soomaaliya & Zibabwe waana mid kamid ah kulamada xiisaha badan ee ay Soomaalidu sugeyso, iyadoo ay saacadihii u dambeeyey ku jiraan labada dhinac diyaar garow xoog badan.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa ciyaartii hore kasoo badiyey xulka dalka Zibabwe, waxaana maanta indhaha lagu hayaa ciyaarta labaad oo haddii ay Soomaaliya badiso ka dhigan guul weyn oo ay gaartay.

Madaxda Soomaalida ayaa daawanaysa ciyaarta xiisaha badan ee maanta, waxaana daawashada ciyaartan laga daawanayaa qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya.

Magaalada Haraare gaar ahaanka garoonka kubadda cagta waxaa soo buux dhaafiyey dad Soomaaliyeed oo ka yimi dalka Koonfur Afrika, si ay ciyaartan u daawadaan oo ay taageerayaal ugu noqdaan dhalinyaradda magacooda ku ciyaaraysa.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*