WARBIXIN: Sababihii Looga Badiyay Xulka Qaranka Somalia Kulankii Zimbabwe.

Xulka qaranka Somalia ayaa guul daro kala kulmay xulka qaranka Zimbabwe kulan ka tirsanaa is reeb-reebka Hordhaca ah ee koobka adduunka 2022 Kana dhacay garoonka dalka.

Xulka qaranka Somalia ayaa looga badiyay 3/1 inkasta oo ay si fiican u difaacdeen qaybtii hore ee ciyaarta laakiin xulka Ocean Stars ayaa bur-buray daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa waxayaabihii sababta u ahaa guuldaradii soo gaadhay xulka Ocean Stars:

1.Difaacasho ay ku bilowdeen Ciyaarta:

Xulka qaranka Somalia ayaa ku bilowday difaacasho isla markii garsooruhu yeeriyay siidhiga ciyarta iyaga oo inta badan ku mashquulsanaa sidii ay u difaacan lahaayeen goolkooda.

Taas ayaan odhan karnaa in ay si fiican u shaqaysay marka loo eego in ay si fiican u ilaashadeen shabaqooda hadana waxa ay ahayd in ay dhanka weerarka ka shaqeeyaan weeraro rogaal celis ahna qaadaan.

2.Kubada Xulka Somalia Oo Aan Daganayn:

Xulka qaranka Somalia ayaan ciyaarin kubad dagan iyaga oo kubad walba oo ay helaan iska fogaynayay oo aan inta badan ciyaarin baas ay ku kexeeyaan kubada kuna geeyaan goolka xulka Zimbabwe.

Marka ay xiddigaha xulka Somalia kubada haystaan waliba baas ciyaaraan waxa ay ahaayeen qaar halis ku ah xulka ka soo hor jeeda taas oo waliba khal-khilanaysay xulka Zimbabwe.

3.Weerarka Oo Aan Shaqadooda Ka Soo Bixin:

Weerarka xulka Somalia ayaan ka soo bixin shaqadoodii iyaga oo aan halis galin xulka Zimbabe kuwaas oo daafacoodu si raaxo leh isaga ciyaaryay lana kulmin cadaadis aad u badan.

Marka la isku bar-bar dhigo weerarka xulka Somalia ee ciyaartan iyo midkii ciyaartii hore waxa u dhexeeyay farqi aad u weyn maadama ayna wax cadaadis ah saarin daafaca xulka ka soo hor jeeda taas oo keentay in ilaa daafaca Zimbabwe weerarka soo galaan.

4.Wakhtigii Badalka La Sameeyay:

Xilli uu xulka Qaranka Somalia si fiican u difaacanayo sidoo kale xiddiguhu si fiican iskula qabsadeen ayuu tababaraha xulka somalia sameeyay is badal taas oo khal-khalisay qorshihii xulka.

Sidoo kale is badalka lagu sameeyay ayaan waxba ka badalin ciyaarta iyaga oo kaliya ku soo kordhiyay khal-khal iyo isku dheeli tirnaan boosaska ah

Xigasho: Kooxda.com

2 Comments

  1. ASC.
    Beentu waa dambi oo nimankaasu ma aha niman wada matalaya soomaaliweeyn.Waa dhalinyaro ka socda beel gaara.Beeshaas oo ku qaraabata magaca soomaaliweeyn.Beenaha ay beeshaasu baahiso waxaa ka mid ah in ay marar badan tiraahdo ciidamada qaranka soomaaliyeed.Ayadoo ciidamada ay sheegayso ay yahiin maleeshiyaadkoodii gaarka u ahaa ayaga.Waxay kaloo yiraahdaan dawlada qaranka soomaaliyeed.War meeday dawlada soomaaliweeyn ka wada dhaxaysaa?Sootay ayagu dumiyeen ma aha dawladii ka wada dhaxaysey soomaali oo dhan?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*