WARBIXIN: Trump oo qaaday talaabo weyn oo Soomaaliya dan ugu jirto & Villa Somalia oo ka hadashay.

WASHINGTON(P-TIMES)- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waraaqaha Aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay safiirka cusub ee ay Soomaaliya u magacowday Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka, kaas oo dhawaan gaaray halkaasi.

Madaxweyne Trump ayaa la arkayay oo gacanta ku haya warqadii lagu magacaabay Safiirka oo ay ku taalo calaamada Soomaaliya, waxaana dawladda Soomaaliya ay bogaadisay talaabada uu qaaday Mareykanku.

Soomaaliya ayaa sheegtay in uu Mareykanku yahay isbaheysi sal adag oo ay saaxiibo yihiin, ayna doonayaan in la kobciyo xariirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

“Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay Dowladda Mareykanka u arkaan isbahaysi adag iyo saaxiib kaalin mug leh ka qaadanaya horumarka iyo hurosocodnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Muqdisho.

Safiirka cusub ee Soomaaliya Ambasador Cali Shariif Axmed ayaa horey uga soo shaqeeyey wadamo kala duwan oo ay kamid yihiin Afrika iyo Yurub, isagoo kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Mareykankana ay ka wada hadleen xaaladdaha Soomaaliya.

Marka laga soo tago waaya aragnimadiisa dhanka dowladda, Danjire Axmed wuxuu soo noqday maamule sare, ganacsade iyo la-taliye shirkado iyo hay’ado caalami ah. Danjirihu wuxuu Shahaadada 2-aad ka qaatay Jaamacadda Sussex ee dalka Ingiriiska, halka uu shahaada 1-aad uu ka qaatay Jaamacadda London Metropolitan ee isla dalkaas isaga oo ku takhasusay Culuumta Siyaasad-dagaleedka (Geopolitics) iyo Istiraatiijiyadda iyo sidoo kale Daraasaadka Nabadda iyo Khilaafaadka sida ay u kala horreeyaan.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Amb. Cali Shariif uu waraaqihiisa aqoonsiga ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka.

Danjire Cali Shariif ayaa noqonaya Safiirkii 3aad ee Soomaaliya u magacawda Mareykanka, tan iyo sanadkii 2014, xilligaasoo dowladda Soomaaliya markii u horeysay muddo 20 sano oo ay Safiir u magacawdo dalka Mareykanka, kaasoo ahaa Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*