XOG: M/weyne Deni oo ciidamadii ugu badnaa u diray Garacad.

GARACAD(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Garacad ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in Kolonyo ciidamo katirsan Ilaalada Madaxtooyada ay soo gaareen magaaladaas, kuwaas oo ay wehliyaan xubno katirsan Golyaasha Puntland oo aksoo hormaray wafdiga Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa berrito kusii jeeda magaalada Garacad, halkaas oo ay ka bilaaban doonto shaqada kuwajahan dhismaha Dekeda gaar ahaana qeybta Badda oo ah shaqada ugu badan ee la qabanayo.

Safarka Madaxweynaha oo noqonaya duulimaad diyaaradeed, waxaa kuwehlin doona qaar kamid ah Ganacsato u dhalatay wadamada ka qeybgalay shirkii Maalgashiga ee maanta lasoo xiray.

Garacad ayay dadku aad indhaha ugu hayaan waana dhisme ay lacagtiisa la baxayaan Ganacsato, dawladduna ay doorkeedu yahay sidii ay u korjoogteyn lahayd.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*