XOG: RW Kheyre oo safar deg deg ah ku tagaya Baladweyne, markii ay soo korortay arrin ku adag.

MUQDISHO(P-TIMES) – Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in Raysalwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre todobaadka nagu soo wajahan uu booqasho rasmi ah ku tagi doono magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan, isagoo halkaas u tagaya xalinta cabashada qaar kamid ah beelaha oo si weyn uga soo horjeestay hadal kasoo yeeray Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka ayaa iska diiday dalab uga yimi Raysalwasaare Kheyre oo sheegay in ciidamada loo tababaray Baladweyne loo daad-guureeyo gobalka Galguduud, gaar ahaana magaalada Dhuusa-Mareeb, taas oo ay si adag u diideen odayaashan.

Hadalo ad adag ayaa dhexmaray Xukuumadda Faderaalka iyo Duqowda dhaqanka oo shalay si cad u sheegay in aysan u baahneyn gacanta dawladda Faderaalka ee sharuudaha badan, taas bedelkeedana waxay sheegeen in ay iyagu hub siisan doonaan dhalinyaradooda tababarada la siiyey.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa lafilayaa in uu tago Baladweyne, si uu halkaas kulamo ugula yeesho Odayaasha dhaqanka, iyadoo ay wararku sheegayaan in aysan Baladweyne si fudud ku bixin doono ciidamo la geeyo gobalka Galguduud.

Odayaasha la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay deegaano badan oo ka mid ah gobalka Hiiraan ku jiraan go’odoon ay galiyeen Al- Shabaab, markii ay xukunka la wareegaysay Xukuumadda Farmaajana ay socdeen howlgalo ciidan oo lagu xoreynayo, laakiin ay wax kasta fashilmeen 3 sannana aan waxba la dhaqaajin.

Safarkan waa mid kamid ah kuwii siyaasadeysanaa ee Raysalwasaaruhu bilihii u dambeeyey ku tagay Dhuusa-Mareeb, Cadaado, Gaalkacyo, Caabudwaaq, Baydhabo, Xudur iyo deegaano kala duwan oo dhamaantod khuseeyey howlaha siyaasaded ee waqtigan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*