XOG: Xaaf oo si adag u diiday talaabooyin ay DFS ka wado magaalada Dhuusa-Mareeb.

DHUUSA(P-TIMES) – Madaxweynaha Galmudug ee waqtigu ka dhamaaday Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xalay ka hadlayay shirkii Dibu heshiisiinta Galmudug ee saxaafadda madaxa banaan loo diiday ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in ay u afduubnaadan dawladda Faderaalka, loona baahan yahay in ay Xukuumaddu ixtiraamto madax banaanida maamulka.

Xaaf wuxuu sheegay in xulida xubnaha baarlamaanka ay iyagu xaq u leeyihiin beelaha ayna tahay dawladdu in ay korjoogto uun ka ahaato, balse aysan iyadu yeelan doorka xulitaanka, taasna ay tahay mid ka soo horjeeda.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha wixii hadda ka dambeeya Lig Liga ayaan kula heysanaa, waxaa jeclahay, Sharcigana uu dhigaayo, in iyadoo wadajir ah la sameeyo Guddiga Farsamada, maalintii la magacaabayay Guddigan hada jira Sabriye waa soo wacay, wax aa ku iri wax un aan ka wada tashino, in aan marti mar kale noqono ma rabno, caawa marti baa nahay kuligeen haddaa nahay reer Galmudug, Xildhibaanada la xulaya yeysan noqon waxa Xamar laga keeno oo maalintii la rabo loo yeero” ayaa kamid ahaa hadaladii xalay ee Xaaf.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in maalmihii ay socdeen howlaha Dibu heshiisiinta ay uga dambeeyeen dawladda Faderaalka, balse howlaha waqtigan ay tahay midii loo dhisay Galmudug.

“Wixii hadda ka dambeeya waxaa rabnaa anagoo Galmudug ah iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha inaan wada socono rabnaa, Guddiga la sameynayo inaan ku ogaano oo aan ka wada shaqeyno, ma rabno in aad keligiin noqotaan, ma yeeleyno, odayaasha waa isu keenteen waa mahadsan tihiin, laakiin Xildhibaanada iyo wixii kale ee la keenayo waa wada ogaaneynaa”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug

Xukuumadda Soomaaliya ayaa awood dheeraad ah hadda u yeelanaysa qorida iyo ansixinta xildhibaanada baarlamaanka ee ay doonayso, talaabadaas oo ah mid ay horey dhinacyadu aad iskugu khilaafeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*