XOG+DAAWO: AL- Shabaab oo lacago badan oo Canshuur ah ka doonaysa DFS, Joojisayna.

MUQDISHO(P-TIMES) – Kooxda Al- Shabaab waxay amar ku bixiyeen joojinta dhismaha dib u hagaajinta garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Muqdisho oo ay bilo kahor ka guureen ciidamada AMISOM, waxayna taasi bedelkeeda sheegeen in aan la dhisi karin garoonkan.

Shaqaalaha iyo Shirkada qaadatay Qandaraaska dhismaha garoonka Ciyaaraha ayay Al- Shabaab la xariireen, waxayna si rasmi ah u sheegeen in wax kasta oo ku wajahan dhismahan la joojiyo ilaa amar dambe.

Warbaahinta Muqdisho ayaa baaris ay sameysay ku ogaatay in ay Al- Shabaab hanjabaado ka sokow ay toos ula hadleen madaxda shirkada dhismaha dibu dayactirkiisa ka shaqeynaysay oo ay ku amreen joojinta howshan.

Wasaaradda Ciyaaraha & Dhalinyaradda ayaa warkan la gaarsiiyey maalin hore, balse ilaa hadda waxay ka walaacsan tahay waxyaabaha ay qaaden Al- Shabaab, waxayna Wasaaraddu ka fakaraysaa qorshe kale oo ay howshan ku gasho.

Si rasmi ah ayay Shirkadii Qandaraaska qaadatay u sheegtay caqabadaha taagan oo ay sheegeen inaysan shaqada wadi karin, maadaama Hanjabaadda Al- Shabaab ay ku xigto dilal qorsheysan oo ay toos u fuliyaan, haddana ma jirto talaabo la qaaday.

Warar hoose ayaa sheegaya in uu wada hadal u socdo Shirkada Qandaraaska qaadatay oo wakiil ka ah dawladda Soomaaliya iyo Al- Shabaab, waxaana suuragal ah in ay dhinacyadu ku heshiiyaan in dhaqaalaha ay u baahan yihiin kooxda la siiyo, waxaana haddii dib loo bilaabo dhismaha Garoonkan ciyaaraha ay ka dhigan tahay in ay Al- Shabaab heleen dhaqaale ay bixisay Soomaaliya.

2 Comments

  1. ASC.
    AL-Shabaab ayaa ku awood roon koonfurta soomaaliya.Nimanka ku xeraysan Ex-villa soomaaliya waxba meesha kuma hayaan oo waxay mashquul ku yahiin bur-burinta maamul gobaleedyada iyo laaluush qeybinta.Maxay ka doonayaan dhuusamareeb iyo baydhabo ayadoo aysan xamar gacanta ugu jirin?Waa doolaalo iyo halagaasheego.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*