XOG+SAWIRRO: Ruushka iyo Soomaaliya oo soo celinaya xariirkii ka dhaxeeyey, balan-na qaaday

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ruushka u fadhiya Soomaaliya, Mikhail Golovanov oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood.

Mikhail Golovanov oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay qaabilaadda ayaa sheegay in dowladda Ruushku ay xoojineyso xariirka kala dhexeeya Soomaaliya ayna dowladda ka taageereyso anmiga, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay adkeyneyso xariirka qotada dheer ee kala dhexeeyay dowladda Ruushka.

HoggaankaDowladda Soomaaliya ayaa xoogga saarey soo nooleynta iyo adkeynta xariirka kala dhexeeyay wadamada caalamka, si ummadda Soomaaliyeed ay u soo ceshato sharafta iyo karaamada ay ku laheyd fagaaraha caalamka.

1 Comment

  1. Raysal wasare qayre ruush ku waku qaldamay. Maxa yelay wadani maaha. Wa nin gaalo mesha ken satay. Ayaguna u shaqeya. Marka waxa mesha ka baxay danti umadani lahayd. Dowlada rush ka way ka madax banan taha nato iyo dunida maraykan. Sadarted rushka wa waqti lobahan yaha. Somalida fursad aya halka ku gafay sa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*