Ahlu Suna oo ka hor yimi Guddiga Xulida Baarlamaanka Galmudug, kuna dhawaaqay.

MUQDISHO(P-TIMES) – Kooxda Ahlu Suna Waljameeca ee maamuleysay mudada dheer Dhuusa-Maeeb & Guriceel ayaa kasoo horjeesatay guddigii ay xalay magacowday Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Soomaaliya, kaas oo shaqadiisu tahay xulida xubnaha baarlamaanka Galmudug.

Shir gaar ah oo ay yeesheen Ahlu Suna ayaa looga hadlay arrimahan, waxaana uu ka dhacay Xaruntada Xerada Inji ee magaalada Dhuusa, waxayna Ahlu Suna sheegtay in uusan aheyn guddi xaqiiqo oo ku dhisan cadaalad, balse uu yahay Lataliyayaasha Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha oo markale loo diray Galmudug.

Kooxda ayaa sheegtay in magacaabida guddigan ay ahayd in loo maro nidaamka sharciga ah, balse ay dhagaha ka fureysatay dawladda Faderaalka Soomaaliya, taas bedelkeedana aysan Ahlu Suna aqbali doonin in ay ka shaqeeyaan gudaha Galmudug.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u- heshiisiinta XF Soomaaliya ayaa magacowday Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Dowlad Gobaleedka Galmudug, kaas oo maalmihii la soo dhaafay la hadal haayey in la Magacaabayo.

Guddigaan oo ay Magacaawday Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo ka kooban 13 Xubnood ayaa waxaa ay dhexdooda iska dooran doonaan guddoon Cusub, iyaga oo guda geli doona dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*