AKHRIS: 9 Qodob ayay gudbinaysaa Puntland, Wafdiga Federaalkuna 3 Qodob ayay wataan, Wada hadal kasocda Bosaso.

BOOSAASO(P-TIMES) – Waqtigan kulan xasaasi ah ayaa u socda wasiiro katirsan xukuumadda Soomaaliya oo maanta ka yimi magaalada Muqdisho & Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, kaas oo looga hadlayo khilaafka labada dhinac, waxaana qodobada ay ka hadlayaan ka mid ah.

  1. Sidii xal isku soo dhaweyn ah looga gaari lahaa Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dawladda Faderaalka Soomaaliya.
  2. Sidii ay Puntland u noqon lahayd mid taageersan dawladda Faderaalka, taas bedelkeedana ay u bilaaban lahaayeen wada hadalo toos ah oo dhexmara Madaxda labada dhinac.
  3. In ay doorkooda qaataan oo laga aqbalo iyo sidaas oo kale in lagu koobnado ka shaqeynta danaha Puntland oo ay iyaguba u matalayaan dawladda Soomaaliya.
  4. In Puntland ay faraha kala baxdo Siyaasadda Jubbaland, si looga hortago Iska horimaad hubaysan.

Sadexdan qodob oo ay wataan dhinaca Federaalka, haddana dhanka Puntland waxay wadataa sharuudo kale oo ay ka mid yihiin xaaladdaha siyaasaded ee dalka.

  1. In dawladda Faderaalku ay soo bandhigto wada hadal la ogol yahay oo ay dhamaan qeyb ka yihiin bulshada Soomaaliyeed iyo Daneeyaasha siyaasadda Soomaaliya.
  2. In Faragalinta iyo burburinta laga daayo dawlad gobaleedyada iyo In lagu shaqeeyo nidaamka Faderaalka ee Soomaaliya qaadatay.
  3. In dib looga celiyo baarlamaanka sharciyada aan laga wada tashan ee ay soo gudbisay Xukuumadda Faderaalka.
  4. In qoondada Puntland ee saami qeybsiga Kheyraadka iyo mashaariicda aysan noqoneyn kuwa ay ula siman tahay dawlad gobaleedyada kale.
  5. In faragalinta laga daayo arrimaha Jubbaland, dadka iyo deegaankaasna nabadooda aan khal-khal lagu abuurin iyadoo la aqbalayo natiijada doorashadii Axmed Madoobe, wixii kalena lagu dhameynayo wada hadal.

Qodobadan ayaa ah saldhiga doodaha labada dhinac, waxaana socda kulankii ugu adkaa oo ay dhinac kasta kusoo gudbiyeen sharuudaha ay wadaan.

Wafdigan waa mid bilaabaya wada hadalsiinta dhinacyada, balse sida muuqata wey ku adag yihiin sharuudahan in ay meelmar ka dhigaan, maadaama madaxda dawladda Faderaalka ay marar badan ka cago-jiideen in arrimaha Jubbaland oo kale si toos ah loo galo oo wada hadal lagu dayo.

LA SOCO FAAHFAAHINTA RIIX HALKAAN

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*