AKHRISO: Ahlu Suna oo cambaareysay Guddigii DFS u magacowday arrimaha Galmudug.

DHUUSA(P-TIMES) – Kooxda Ahlu Suna Waljameecah ayaa si adag u diiday guddigii dhawaan ay magacowday dawladda Faderaalka Soomaaliya, kuwaas ka shaqeyn lahaa arrimaha xulida baarlamaanka Galmudug, ayay sheegeen in aysan aqbali doonin.

Ahlu Suna, waxay sheegtay in ay cabsi ka qabto in daganaansho la’aan ay horseedaan guddigaas, waxayna cambaareeyeen talaabada ay ku magacowday dawladda Faderaalka,

Waxay sheegeen in lagu tuntay dastuurkii Galmudug, kan dawladda Faderaalka iyo heshiisyadii ee horey loo gaaray, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in laga shaqeeyo daganaanshaha guud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*