M/weynaha Puntland oo Garoowe kasoo dagay, maanta baajiyey Safarkisii Kismaayo, Maxaa sababay?

GAROOWE(P-TIMES) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kasoo duulay magaalada Boosaaso ayaa goor dhaw kasoo dagay madaarka magaalada Garoowe, halkaas oo uu uga soo gudbay Aqalka Madaxtooyada, waxaana wararku sheegayaan in uu berrito aadayo magaalada Kismaayo.

Mid kamid ah xubnaha wafdiga ayaa u sheegay Warsidaha PuntlandTimes in sababata safarka loo hakiyey ay tahay xubno katirsan baarlamaanka Faderaalka labadiisa golle oo ka raacaya Garoowe.

Sidaas oo kalena Safarka Garoowe iyo Kismaayo oo ah masaafo dhan 3 saacadood, ay ku beegmayaan xili habeenimo oo aysan ka dagi karin madaarka magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in berrito uu Madaxweynaha Puntland sii wadan doono safarkiisa magaalada Kismaayo, iyadoo subaxnimadii hore ay saaka kudaaheen kulamo kala gedisan oo kasocday magaalada Boosaaso.

Kumanaan Shacab ah ayaa hadda dib looga celiyey garoonka magaalada Kismaayo, waxaana subaxnimadii hore ee saaka dadweyne badan ay sikugu tageen halkaas si ay wafdigan u soo dhaweeyaan.

LA SOCO FAAHFAAHINTA RIIX HALKAAN

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*