DAAWO: Aqalka Soomaaliya oo ku dhawaaqay war ku wajahan Farmaajo & Kheyre.

MUQDISHO(P-TIMES) – Guddoonka Aqalka Sare ee Soomaaliya oo madaxdiisu ka qeybgashay caleema-saarka Axmed Madoobe, ayaa sheegay in madaxda dawladda Faderaalka aan raali looga noqon doonin nooca ay wax ku wadaan.

Abshir Axmed Bukhaari ayaa shaaca ka qaaday in ay muhiim tahay in horey loo socdo, lana gaaro nidaamka rasmiga ah ee dalka oo doorashada soo socota ay tahay in laga wada shaqeeyo.

Gudoomiye kuxigeenka ayaa cadeeyey in looga baahan yahay dhinacyada oo dhan ay iskugu yimaadeen miiska wada xaajoodyada, si loo gaaro nidaam doorasho oo ay dhinacyada oo dhan isku raacsan yihiin.

Mr, Bukhaari wuxuu kaloo rajeeyey in laga gudbi doono marxaladdam, loogana baahan yahay dhinac kasta oo ay danta dalka eegaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*