DAAWO: Odayaasha Burtinle oo Difaacay Xildh, Daad, Digniin u diray Siyaasiin kusugan Garoowe.

BURTINLE(P-TIMES) – Odayaal & Waxgarad ka soo jeeda beesha soo dooratay Xildhibaan Cawil Hassan Daad oo kulan ku qabtay magaalada Burtinle ee gobalka Nugaal ayaa si adag uga hadashay qoraalka ay soo saartay Xeer Ilaalinta Puntland, waxayna sheegeen in ay tahay isku dir iyo deg deg fara badan oo ka muuqda kuwa ay ku sheegtay in ay ka soo horjeedan dawladnimada dalka.

Odayaashan ayaa sheegay in Xildhibaan Daad iyaga ay dirsadeen oo uu metelo, waxayna shegeen in talaabada iyo buunbunin lagu sameeyey su`aashiisa ayna taasi ka timi siyaasiin kusugan magaalada Garoowe.

Odayaasha ayaa cadeeyey in ay talaabadaas u arkaan mid la doonayo in lagu duulo xaqqa beeshu ay leedahay iyo xoriyada hadalka, waxayna tilmaameen in ay ka soo horjeedaan.

HALKAAN KA DAAWO

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayay sheegeen in uu xilka  u hayo dalka oo dhan ee aysan qolo gaar laheyn, kuwa sameeyey talaabooyinkaas ay doonayaan in ay dumiyaan dawladnimada Puntland.

Odayaashan ayaa ku eedeeyey Xeer Ilaalinta Puntland mid ka shaqeynaysa fitno iyo in ay isku dirto shacabka iyo dawladda Puntland, waxayna sheegeen in aysan marnaba aqbaleynin go`aankaas kasoo baxay Xeer ilaalinta.

2 Comments

  1. ASC.
    Cawil Daad sooma ay dooran beesha laga sheegay Buurtinle ee waxuu wada matalayaa beesha guud ee Cumar Muxammuud.Beeshaas guud buu xildhibaan u yahay.Haddii ay rabto beesha guud in uu Cawil shaqada sii hayo Insha Allaah wuu sii joogayaa.Haddiise ay beesha guud tiraahdo Cawil meesha ha baneeyo waa say u tiri oo waxaa lagu badalayaa qofkaloo ka soo jeeda beesha hoose.Waa intaas kaliya sheekadu ee ma aha mid ku xiran beesha hoose ee Cawil.Cawil ma aha nabaddoon ee waa xildhibaan.Xildhibaanka gaalkacyona waxaa wax laga weydiiyaa Islaan Bashir Islaan Cabdulle Islaan Faarax Islaan Aadam iyo odayaasha guud.

  2. ASC
    Anigaa ka mida beesha Cawil waana been iyo quraafaad marka la leeyahay beesha Cawil oo dagaal ugu hanjabtay Dani.Beesh Cawil waa Cumar Muxammuud.C.Muxammudna lama dagaalamayaan Dani iyo dawlada puntlaan.Dhawr nin oo iska hadlay hadalkoodu lahan ma leh oo qof walba waa hadli karaa.
    Cawil waxaa lagu haystaa in uu xamar kula soo heshiiyey duminta puntlaan iyo reer puntlanba.Taasina haddii ay run noqoto Cawil waa dambiile mudan in la marsiiyo waxuu mudan yahay.Haddii la masabitayna waa in uu sheegaa in uusan galin dambiyada lagu eedaynayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*