DAAWO:JigJiga oo maanta kala xidhan, Shacabkii & Ciidamadii ugu badnaa oo kacdoon culus ku qaaday..

HARGEYSA(P-TIMES)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada JigJiga ee caasimada dowladd deegaanka Soomaalida ayaa waxaa maanta ka socda banaan bax balaadhan oo ay dhigaan shacab weynaha ku dhaqan gudaha magaaladaasi iyo ciidamada dowladd deegaanka Soomaalida.

Banaan baxyadani oo sii xoogaysanayana ayaa waxaa iskugu soo baxay inta badan bulsha weynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada JigJiga, kuwaas oo ku muujinayana kacdoonkooda si ay arxan darada ah ee loo xasuuqayo shacabka ku dhaqan gobolka Siti oo ay xasuuq ba’an u gaysteen ciidamo ka kala socda Qoomiyadaha Canfarta iyo Tigreega ee dalka Ethiopia.

Goboladda Soomaalida ee dowladd deegaanka oo dhan ayaa waxaa maanta ka socda kacdoono culus oo lagaga soo horjeeda gumaadka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee gobolka Siti, waxaana inta badan maanta xidhan wadooyinka iyo goobaha ganacsiga ah ee magaalooyinka waa weyn ee dowladd deegaanka Soomaalida.

Wadooyinka waa weyn ee magaalada JigJiga ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo wata gaadiid badan oo kacdoonka kala qayb qaadanaya shacabka, waxaana sawiro laga soo qaaday ay muujinayaan sida ay uga xun yihiin shacabka dowladd deegaanku walaalahooda ku dhaqan gobolka Siti xasuuqa lagu hayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*