Dhabaha Diyaaradaha ee Garoonka Muqdisho oo la xiray si KMG ah.

MUQDISHO(P-TIMES) ā€“ Sidda ay baahisay Idaacada VOA-da ee codka Mareykanka, waxaa si KMG ah loo xiray qeybta diyaaraduhu ku ordain ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, halkaas oo la sheegay in uu maanta ka dhacay shil, ka dib markii ay diyaarad si khalad ah uga baxday jidka oo ku fariisatay.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii diyaarad xamuul sidda ay candhada ku degtay kadib markii ay luguhu u bixi waayeen. Weli lama hayo wax faah-fahain ah oo intaas dhaafsan.

Majirto faahfaahin dheeraad ah oo ay bixisay dawladdu, waxaana la arkayay garoonka Muqdisho diyaarad taala wadada ay diyaaraduhu ku dagaan, taas oo ahayd mid xamuul ah oo dhacday markii ay luguhu u dagi waayeen, sidda ay sheegayaan wararku.

Berrito garoonkan, waxaa ka duuli lahaa Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbaland oo uu ka dhacayo caleema-saarka Axmed Madoobe.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*