Iska horimaad khasaare sababay oo ka dhacay Boosaaso, Yuuse u dhaxeeyaa.

BOOSAASO(P-TIMES) – Wararka naga soo gaaraya magaalada BOosaaso ayaa sheegaya in Iska horimaad u dhaxeeya ciidamada Ilaalada Wasiirka Maaliyadda Puntland Xassan Shire Abgaal iyo ciidamo katirsan ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee PSF-ta uu ka dhacay magaaladaas, kaas oo geystay khasaare dhaawacyo soo gaaray askar kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in is maandhaaf u dhaxeeya ciidamadan oo wasiirka Maaliyadda u diiday in uu gudbo dhanka Madaxtooyada ayay sababtay in ay is maandhaaf, sidaasna xabadu ku bilaabato.

Ma jiraan faahfaahin laga helay xagga dawladda, balse Goobjoogayaal ayaa u sheegay Warsidaha PuntlandTimes dhaawaca Sadex askari oo ku dhaawacantay Is rasaaseynta labada ciidan dhexmartay.

Saraakiisha ciidamada ayaa goobta gaaray, waxaana hadda lays ku dayayaa sidii loo xalin lahaa dhacdadan oo ah markii koowaad ee ay ciidamadu isku dhacaan tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweynaha Puntland.

LA SOCO FAAHFAAHINTA RIIX HALKAAN

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*