M/weynaha Puntland oo ku dhawaaqay war adag.

KISMAAYO(P-TIMES) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu maalmaha uu joogo Kismaayo la kulmi doono dhamaan arrimaha Jubbalandna uu kala hadli doonod adka madasha jooga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Kismaayo ay kaga tashan doonaan sidii xal waara looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha xagga siyaasadda ah, sidaas oo kale wuxuuna sheegay in ay midnimo rabaan ummadda Soomaaliyeed.

Siciid Deni ayaa sheegay in wax kasta oo yimaada ay tahay in wada hadal lagu dhameeyo, isagoo sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay xal ka gaaraan arrimaha ka jira gudaha Jubbaland.

Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo cadeeyey in ay dhinacyada oo dhan ka wada hadli doonaan geedi socodka siyaasadeed ee cakiran ee dalka, ayna filayaan in ay natiijo wanaagsan ka soo baxdo magaalada Kismaayo.

LA SOCO WARARKEENA RIIX HALKAAN

1 Comment

  1. Taagta Xaarmaajo waa intaas. Miyaanu ogeyn in aaney Soomaaliya maanta afka baarkiisa ku shaqeyn we ay ka bqato awood uun.

    Xaarmaajo isagoon wax awood ah laheyn oo Taangi AMISOM ah lagu waardiyeeyo amaba gaadhka looga hayo ayuu rabaa inuu Warqad yar halkaas kasoo saaro, dabadeedna la maqlo. Kkkkk

    Isagiibaa intii yareyd ee sharci ku sheega aheyd kolba gees ka maraya, kolkaasuu rabaa in uu mid uu jeebada danbe kalasoo baxey cid u yeedhiyo. Kkkkkkkk

    Meeshaas waxba ma yaalaan. Waa iska shactiro iyo qosol qosol uun.

    Hadey shahaadada PHD cid uun ku khasaartey, Xaarmaajo ayay ku hoobatay. Reer Galbeedka, kuwooda aanan waxba baran ee hadana kartidooda ku najaxa ayaa waxey PHD u yaqaanaan Poor Hungery & Dumb. Waa Markey arkaan mid sida Xaarmaajo oo kale Shahaadaas oo kale Sita oose madhan.

    Cilmiga halagu baree caqliga kaasho baa la yidhi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*