M/weynaha Puntland oo u duulay Kismaayo & Wararkii u dambeeyey, Jabiyeyna.

BOOSAASO(P-TIMES) – Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda kadhoofay magaalada Boosaaso, isagoo ku sii jeeda magaalada Kismaayo, waxaana wafdigiisa kamid ah xubno katirsan Golayaasha baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland waxaa socdaalkiisan ku wehliya qaar kamid ah Senatarada baarlamaanka Faderaalka, gaar ahaana Cabdiraxmaan Faroole oo ay diyaaraddu ka qaadi doonto magaalada Garoowe.

Siciid Deni wuxu xalay diiday in uu ka baaqsado safarka magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in ay waajib tahay ka qeybgalka Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Diyaar garowga soo dhaweynta wafdigan ayaa kasocota magaalada Kismaayo, waxaana la adkeeyey ammaanka guud ee magaalada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusugan gudaha garonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

LA SOCO WARARKEENA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*