DEG DEG: M/weyne Deni oo u socdaalay Kismaayo.

GAROOWE(P-TIMES) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahai Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaw ka duulay magaalada Garoowe, iyagoo ku sii jeeda magaalada Xeebta kutaala ee Kismaayo, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wariyaha PuntlandTimes ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dad badan lays kugu soo saaray magaaladaas, isla markaasna ay maanta Kismaayo tagayaan wafuud balaaran oo kasocda dhinacyo kala duwan.

Madaxweynaha Puntland wuxuu shalay kasoo duulay Boosaaso, isagoo 2dii duhurnimo soo gaaray magaalada Garoowe, halkaasna kulamo xalay kula yeelanayay golayaasha kala duwan ee dawladdiisa.

Socdaalka Madaxweynaha Puntland ee Jubbaland ayaa qaadan doono labo maalmood, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo madaxtooyada Puntland, wuxuuna dib ugu laaban doonaa magaalada Boosaaso.

LA SOCO WARARKEENA RIIX HALKAAN

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*