DEG DEG: Masuul katirsanaa dawladda Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo,

GAALKACYO(P-TIMES) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaas caawa lagu dilay Xassan Cabdille Hiraabe oo katirsanaa Wasaaradda Maaliyada ee gobalka Mudug, waxaana aan la aqoonin cidda ka dambeysay dilkiisa.

Meydka Xassan Cabdille ayaa hadda la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay laamaha Ammaanku wadaan baaritaano la xariira dhacdadan.

Xuseen Cabdille ayaa horey u soo noqday masuul katirsanaa golihii deegaanka ee magaalada Gaalkacy iyo kuxigeenka Duqa magaalada, sidda ay sheegayaan dadka yaqaana.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Xuseen Cabdille Hiraabe uu ahaa Taliyaha Kastamyada Canshuuraha ee wasaaradda Maaliyada Puntland ee gobalka Mudug.

Sannadkii u dambeeyey xaaladda ammaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa daganayd, gaar ahaana dilalka qorsheysan, inkastoo maalmo kahor uu isku day dil ka badbaaday Taliyaha saldhiga bartamaha ee magaaladaas.

LA SOCO FAAHFAAHINTA RIIX HALKAAN

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*