Shacabkii Kismaayo oo Banaanka u soo baxay & Axmed Madoobe oo go’aamo cusub qaatay.

KISMAAYO(P-TIMES)- Kumanaan Qof oo kamid ah shacabka magaalada Kismaayo ayaa iskugu soo baxay garoonka Diyaaradaha ee magaaladaas, si ay u soo dhaweeyaan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo hogaaminaya wafdi sare oo kasocda Puntland, kuwaas oo cadaadis xoog badan lagu saarayey sidii ay uga baaqsan lahaayeen safarka magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Boqolaal Askari ay sugayaan Ammaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, waxaana Garoonka hadda soo galay Madaxweynaha Jubbaland oo ay wehliyaan Shariif Xassan Sheekh Aaden, Cabdikariim Xassan Guuleed iyo madaxda Jubbaland.

Dadweynaha qaarkood ayaa socod kusoo gaaray madaarka magaalada Kismaayo, waxayna is haystaan gudaha magaalada.

Duulimaadka ayaa hadda kuwajahan Kismaayo, waxaana uu la hadli doona Madaxweynaha Puntland Siciid Deni saxaafadda marka uu ka dago magalaada Kismaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*