Taliyayaal xilal sare kahayay ciidamada Puntland oo Xabsiga loo taxaabay, Xilalna laga qaaday.

BOSAASO(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes wuxuu ogaaday in xabsiga loo taxaabay in ka badan 6 taliye iyo saraakiil ciidan oo katirsanaa ciidamada Puntland, ka dib markii ay 3dii bishan sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Ciidamo katirsanaa kuwa Buuraha Galgala ku dagaalamaya Al shabaab ayaa kasoo baxay soona gaaray duleedka Boosaaso, ka dib iyagoo sheeganaya xaquuqo ka maqan.

Taliyihii Ciidamada Buurta Galgala Col. Maxamuud Cabdulqaadir Sumeysane ayaa maanta lagu xiray mid kamid ah xeryaha ciidamada, gaar ahaana kulan loogu yeeray Aqalka Madaxtooyada.

Sidaas oo kale Kuxigeenkiisii ayaa isna kuwehliyey qabashadiisa, oo lagu qabtay gudaha aqalka Madaxtooyada qeybta ciidamada.

Saraakiil katirsan Taliska Ilaalada Dekedda Bosaso ayaa kamid ah dadka la xiray, waxaana lagu eedeeyey dhaqdhaqaaqyadan in ay qeyb ka ahaayeen.

4 Taliye oo kale, kana tirsanaa ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa xilalka laga qaaday, iyadoo maanta lagu xiray Xero ciidan oo kutaala Boosaaso.

Dacwad loo gudbiyey maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo aan helay, waxay ku eedeysan yihiin kicin Ciidan, iska horkeenid iyo Abaabulka falal lid ku ah dawladnimada. 2 maalin kahor ciidamadooda ayaa gadood kasameeyey duleedka Boosaaso lana fashiliyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*