DHAGAYSO+SAWIRRO:Gaalkacyo oo laga hirgaliyey Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida

GALKACYO(P-TIMES)- Taliyaha qaybta 21-aad Gen. C/Casiis C/laahi Cabdi (Qooje) iyo saakiisha maxkamadda Ciidanka Qalabka sida qaybta 27-aad ayaa kormeeray dhismaha xarunta maxkamadda Ciidanka Qalabka sida qaybta 21-aad oo laga hirgalinayo magaalada Gaalkacyo, taas oo xiligaan maraysa meel gabo gabo ah.

Kormeerkan ayaa waxaa qayb ka ahaa ku xigeenka xeer-ilaalinta maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Saraakiisha ayaa u kuurgashay waxyaabaha ka dhiman xarunta maxkamadda oo hirgalinteedu horseedi doonto in la qaado dacwadaha loo haysto eedeysanayaasha ku jira xabsiyada kala duwan ee ciidanka.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*