DHAGAYSO:War cusub oo kasoo kordhay Buuhoodle & Beelaha qaarkood oo ku dhawaaqay go’aan aysan ku farxin Puntland

BUUHOODLE(P-TIMES)– Iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay ka socdeen gudaha magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn soo xulista xildhibaanada gollaha deegaanka Buuhoodle ee Puntland isla markaasna uu hadheeyey khilaaf xoogani soo xulistooda ayaa waxaa arimahaasi ka hadlay Beesha Cali Gari Axmed oo kamid ah Beelaha Buuhoodle oo ka dhawaajisay in aysan ku qanacsanayn nidaamka loo maray soo xulista xildhibaanadaasi.

Odayaal, Waxgarad, Aqoon yahano iyo Ganacsato kasoo jeeda Beesha oo shir ku qabatay magaalada Buuhoodle ayaa ku dhawaaqay in aysan aqoonsanayn wixii haatan ka dambeeya nidaamkasta oo loo maray soo xulista xildhibaanada gollaha deegaanka Buuhoodle, iyagoona ka dhawaajiyey in aysan helin xuquuqdoodii saami qaybsi.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

Beesha Cali Gari Axmed oo laga siiyey xildhibaanada gollaha deegaanka Buuhoodle Lix xubnood ayaa sheegay in xubnahaasi aysan xaq u lahayn isla markaasna qaadan doonin waa sida ay hadalka u dhigeene.

Waxa ay sheegeen in saami qaybsi sax ah aanan la samayn ayna aqbali doonin natiijo kasta oo kasoo baxda dhismaha gollaha deegaanka Buuhoodle ilaa laga saxo amaba inta ay ka helayaan xuquuqdooda.

Dhisamaha gollaha deegaanka Buuhoodle ayaa waxaa hadheeyey khilaaf xoogan, waxaana ay dhamaanba xubnaha xildhibaanadu ay ka kooban yihiin 27 xildhibaan.

Beelaha Buuhoodle ayaa hore ugu dhawaaqay in saami ahaan xuquuqdoodii aysan helin, waxaana ay Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ugu baaqeen in ay soo fara galiso arintani kadib markii isku qab qabsi uu ku yimid tirada la doonayo oo aad u yar.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*