Dowladda Jarmalka oo lacag ugu deeqday Gudida doorashooyinka Somalia

MUQDISHO(P-TIMES)- Dowladda dalka Jarmalka oo kamid ah dalalka daneeya arimaha Soomaaliya ayaa lacag gaadhaysa 3 Malyan ugu deeqday gudida doorashooyinka qaranka ee Soomaaliya, kaas oo looga gol leeyahay habsami u socodka iyo doorasho hagaagsan oo ka dhacda gudaha Soomaaliya.

Jarmalka ayaa ku xidhay dhankiisa deeqdiisa lacageed shuruud ah in ay isku wada waafaqaan dhinacyada Soomaalida doorashada soo socota taas badalkeedna laga dhowro doorashada wax walba khal khal galin karta.

Sanadka 2022-ka ayaa waxaa ka dhici doonta gudaha Soomaaliya doorasho lagu soo dooran doono madaxda Soomaaliya iyo xukuumadda badali doonta tan haatan ka arimaha dalka oo la doortay sanadkii 2017.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*