Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo u Hanjabay kooxda Mooshinka kawada.

GAROOWE(P-TIMES)-  Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland CabdiXakiim Max’ed Dhooba-Daareed oo maanta dib ugu laabtay Garoowe ayaa daaha ka rogay Hanjabaad culus oo kusaabsam xildhibaanada kumashquulsan arrimaha siyaadadeed.

Dhooba ayaa sheegay in ay maalmihii u dambeeyey soo baxayeen arrimo kuwajahan xagga siyaasadda, ayna kuwaasi yihiin arrimo ay tahay in laga baaqsado.

“Maalmahan waxaan arkayey Hadalo iyo Jawaabo hawada laysu marinayo maahan dhaqan Puntland lagu yaqaano waxaan oran lahaa waxaa loo baahan yahay in Siyaaasadu inoo degantahay waayo hadii siyaasadu kacdo waa Badda oo kale Badduna markay kacdo waxay keentaa ceebo badan ” ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha barlamaanka Puntland ayaa hadalkaan jeediyey manta isagoo ka soo laabtay safar aqoon kororsi ah oo isaga xubno ka tirsan barlamaanka ay ugu maqnaayeen dalka Uganda.

Mooshin ka dhan ah Gudoomiyahan ayaa la abaabulayay maalmihii u dambeeyey, waxaana la rumeysan yahay in ay wadaan shaqsiyaad ku dhaw dhaw Madaxweynaha Puntland.

Warar ka madax banaan dhinacyada ayaa sheegaya in talaabooyinka socda ay ka dhigan yihiin arrimo siyaasadeed oo xoog badan, ayna suuragal tahay saameunta ka dhalanaysaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*