M/weynayaashii hore iyo wafdi ay hogaaminayan oo hadda ka duulay Muqdisho.

MUQDISHO(P-TIMES) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud & Shariif Sheekh Axmed oo hogaaminaya wafdi katagay magaalada Muqdisho ayaa hadda u dhoofay magaalada Kismaayo, oo ay kaga qeybgalayaan Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wafdigan ka baxay magaalada Muqdisho ayaa horey Shariif SHeekh Axmed looga celiyey halkan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaase maanta si caadi ah ay uga baxeen magaalada.

Dawladda Faderaalka Soomaaliya, waxay ku guuldareystay in ay maanta dib u celiso xubnahan oo ay ku jiraan mudanayaal gaaraya 50 Xildhibaan oo katirsan labada golle ee dawladda Faderaalka Soomaaliya.

LA SOCO FAAHFAAHINTA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*