M/weyne Farmaajo oo kulan gaar ah iskugu yeeray Siyaasiinta Sool & Cayn, ayna uga wada hadlayaan Masiirka gobaladaas.

MUQDISHO(P-TIMES) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa sheegaya in ay dawladda Faderaalka hadda qorsheynayso, gaar ahaana Xaafiiska Madaxweyne Farmaajo isku keenida siyaasiinta beesha Dhulbahante, waxaana halkaas hadda gaaray oo kusugan qaar kamid ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xooga saaraya sida ay wararku sheegayana dhismaha maamul u gaar ah gobalada Sool & Sanaag ay yeeshan, kaas oo ay Xukuumadiisu gadaal ka riixayso,waxaana sidaas oo kale uu casumay siyaasiin uu ka mid yahay Cali Khaliif Galeyr.

Madasha Muqdisho, warar madax banaan ayaa sheegaya oo aysan wali xaqiijin PTIMES xubno ay ka mid yihiin Prof, Cali Ciisse Cabdi iyo Ambasador Cabdixakiim Cumar Camey oo ah Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya.

Camay iyo Galeyr oo aan siyaasadda isku dhinac ka aaminsaneyn ayaa labo maalmood oo kala duwan duulimaad kasoo raacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana soo baxaya xogo kala duwan.

Isku dayga qorshahan ayaa ahaa mid socday oo ay dhinacyo kala duwan qeyb ka ahaayeen, sidaas oo kale waxaa socda talaabooyin la xariira xulida xildhibaanada doorashada 2021-ka, oo ay madaxda dawladda Faderaalku doonayaan in xildhibaanada gobaladaas lagu doorto Muqdish, si lamid ah sida Somaliland.

Kulamadan siyaasadeed ayaa dhawaan bilaaban doono, waxaana wararku ay sheegayaan in kulamadoodu ay xogta kasoo baxdaa nqoon doonto mid qarsoodi ah, maadaama ay dhinacyadu aad uga warqabaan dareenka labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland oo ku mursan gobaladaas.

10 Comments

  1. Xarmaajo caqli xumadiisa ma wuxuu u inta maamul beena dhiso inuu kusoo baxo doorashada 2020 wax dhici kara maaha. Dadka goboladaa degan ayka ayay u taal waxay dhisanayaan siyaasiyiin xamar looga yeero xildhibaano uma keeni karaan waayo xildhibaanada goboladaas waxaa soo magcaaba isimada iyo cuqaasha goboladaas waxayna ka mid noqdaan tirada xildhibaanada Pentland llahamana yaabo inxarmaajo feragelin ku sameeyo hadii laysku puntland waxay hanafka ku dhufanaysaa wax walba oo kasoo baxa doorasha gacan ku rimis ah waxayna ku dhawaaqi doontaa gooni isu taag sida Somsliland taas oo Somali ku celindoonta bur bur iyo baaba aan abid lagasoo kaban.

    • Gobolada I waa lama huraan inmaamul kasoo baxo, waxba laga weydiinmayo pintland iyo sland dadka goboladan lehbaa maamulka samaysanaya, bal pintland hadey awood leedahay hayhortaagto. Wallaahay waxaadan Garoowe dameer kaga qaxahayn.

      • Darwiish, Wallaahi Xaarmajao markuu arkay in naftii hayso oo Ogaadeen, Abgaal, Habargidir, Majeerteen iyo Somaliland midna gacanta ugu jirin ayuu Dhulbahante ka dhigaya laxdii lagu gawracayey ama sedqaynayey, hore ayaa Sayidkii ugu guuray Dhulbahante oo Mohamed Siyaad ugu guuray, waar illeen Adhi Daasac kama ilbaxo, reerku illeen midh ma qabo, waar hoy yaanu cagta idiin sii marin, oo idiinka dhigan jidmar, Dhulbahante waa matashade wixii loo yeedhiyo ayuu ku dhaqaaqaa, Abbow Na Jihaadi Jannaanu Rabnaaye

  2. Hadii ay iyagu rabaan in ay maamul gooni ah noqdaan, Puntland ha ogolaaato ra,yigaas. Farmaajio isagu waxay ka tahay dadaal in uu ku guuleysto doorashada, laakiin ma oga meesha in odayaal, iyo isimo lala tashanayo, waana sida ay ku fiican tahay.

  3. Formation of federal state in Sool, Sanaag and Cayn Will be good for the unity of Somalia, it will chop off the the heads of the secessionist Idor and treasonous Majeerteen and leave their tails wagging.

    • Heladhere, you joking, Sool and Sanaag area will turn into a battle ground, Farmaajo days are numbered, all the odds are against him, sooner or later he will run away, Somali wise people said, Bil Saddex Laguna guuro, gurigaagana waa kaa saartaa, mid kaleetona kuguma sinto, If Xarmajo want to help your people he has over 3 years, now this is for his re election campaign not for your benefit or interest. I warn you, think before you leap

  4. Formation of federal state in Sool, Sanaag and Cayn Will be good for the unity of Somalia, it will chop off the heads of the secessionist Idor and treasonous Majeerteen and leave their tails wagging.

    • Gobolada I waa lama huraan inmaamul kasoo baxo, waxba laga weydiinmayo pintland iyo sland dadka goboladan lehbaa maamulka samaysanaya, bal pintland hadey awood leedahay hayhortaagto. Wallaahay waxaadan Garoowe dameer kaga qaxahayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*