Puntland oo Heshiis dhex-dhigaysa Farmaajo & Axmed Madoobe.

BOOSAASO(P-TIMES) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kasoo laabtay dawlad gobaleedka Jubbaland shalay ayaa sheegay in maalmihii uu joogay uu dadaal badan ku bixiyey sidii meelmar looga dhigi lahaa dibu heshiisiin Waarta oo bulshadu ay yeeshaan, isagoo sheegay in ay kulamo la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in la dhameyn doono khilaafka u dhaxeeya Jubbaland iyo dawladda Faderaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dadaal kasta oo ay doonayaan in lagaliyo qorshahan ay ka dhigi doonaan mid meelmar ah.

“Puntland waxaa ay diyaar u tahay inay maamul goboleedyada oo dhan inay garab istaagto sida aad horay u ogeydeen,doorweyn ayaana ka qaadaneynaa,waxana rajeynayaa in khilaaf kasta oo taagan sigaar ah kan u dhaxeeya dowladda & jubbaland in laga gudbi doono, laba qof ayaa hadda ii muuqdo balse an miisan ku laheyn Kismaayo ayuu yiri” Siciid Deni.

Siciid Deni ayaa rajeeyey in khilaafku uu dhamaan doono ayna qeyb ka noqonayaan dhinacyada oo dhan, si taas suuragal looga dhigana ay u baahan tahay waqti dheeraad ah in lasiiyo.

‘’Waxaa iyaguna jiray Labo ruux oo saluug ka muujiyay doorashada, iyagana markii aan u kuurtagalnay ma’aheyn miisaan badan oo bulshada ka dhax muuqday, laakiin arrimahaa dhan waxaan ku dadaaleynaa in la xaliyo ayuu yiri madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland.

Dawladda Soomaaliya ayaan aqoonsaneyn natiijada doorashadii Axmed Madoobe, waxayna maalmo kahor ku dhawaaqday habraaca doorashada oo ay soo saartay, laakiin caqabado waa weyn ayaa kahaysta dhanka Beesha Caalamka oo diidan arrimahaas.

1 Comment

  1. ASC.
    Waa muhiim in ay heshiiyaan Ina farmaajo iyo Axmad madoobe.Ayana waa muhiim kale in ay soomaali oo dhana wada heshiiso.War waynuu u jeednaa in uu aad u badan yahay cadawqga soomaali iyo soomaaliyaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*