Puntland oo sharci darro ku tilmaamtay Xildhibaan katirsan baarlamaanka DFS oo Dhahar ka furtay Xaafiis.

Puntland ayaa sharci-darro ku tilmaantay xafiis uu magaalada Dhahar ee gobolka Haylaan (Sanaag) maanta ka furtay wasiirka wasaardda Qorsheynta Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Musadaq ayaa sheegay in ay tahay in wasiirku wuxuu u hayo gobolladaas uu u marsiiyo Puntland. Wuxuuna yidhi;

“Wasiir Jamaal, abti waxaad baalmartay ballantii aad lagashay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland;furitaanka xafiiskana sharci ma aha;xukuumadda Puntland iyo wasaaradda arrimaha gudaha ayaad u soo marinaysaa, hadaad haysid mashaariic horumarineed ee dowladda Soomaaliya ugu talo gashay degmada Dhahar iyo degmooyinka Haylaan iyo Sanaag,

Annaga ayaa toos u gaarsiineyna, horumarka waa wax fiican in aan ka wada shaqeyno,balse waddo ayey leedahay shaqadaas”.

Xafiiska wasiir Jamaal waxaa maanta xadhiga ka jaray xildhibaan kamid ah golaha wakiillada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*