RW Kheyre & Madaxda Arrimaha dibada Soomaaliya oo leh kulan deg deg ah.

MUQDISHO(P-TIMES) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Raysalwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre si deg deg ah ugu yeeray madaxda Wasaaradda Arrimaha dibada ee dalka, gaar ahaana wasiir kuxigeenka wasaaradda iyo xubnaha kale ee qaabilsan arrimaha xariirada caalamiga ah.

Kulanka ayaa looga hadlayaa talaabadii ay ku dhaqaaqeen wafdiga Kenya ee kadagay magaalada Kismaayo, iyagoon wax idan ah ka haysan dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in laga wada hadlay talaabada qaraarkan laga qaadayo, xili 4 maalmood kahor ay Soomaaliya u gudbisay Kenya qaraar ku wajahan xaaladdaha taagan.

Duulimaad diyaaradeed oo toos uga soo duulay garoonka diyaaradaha Jomma Kenyata ayaa kasoo dagay magaalada Kismaayo, waxaana lasocday madax katirsan dawladda Kenya, gaar ahaana baarlamaanka dalkaas.

LA SOCO FAAHFAAHINTA RIIX HALKAAN

 

1 Comment

  1. WARQAD FURAN: BOGAADIN, DHIIRIGELIN, TEAAGEERO, IYO TALO
    ACWW
    KU Mudane Madax-weynah Pl. Dr. Siciid Cabdullaahi Deni
    KU Madax-weyne kuxigeenka Pl. Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash)
    Ku Golaha shacabka PL.
    Ku Golaha wasiirada Pl.
    Ku Isimada Pl.
    Ku Culimada Pl.
    Ku ganacsatada Pl.hii reervYuuu
    Ku Xijilayda, xoolo dhaqata, beeraleyda, kaluumeysata, muruqmaalka, gaadiidleeyda Pl.
    Ku Abwaanada Pl.
    Ku Aqoonyahanada Pl.
    Ku saxaafadda Pl.
    Ku Haweenka Pl.
    Ku Dhaliyada Pl.
    Ku Ururada bulshada Pl.
    Ku Qurbajoogta Pl.
    Ku Mas’uuliyiinta sagaalka Gobol, Dagmooyinka, iyo Tuulooyinkooda Pl.
    Ku Ciidamada qaranka kala duwan Pl.
    Ujeeddo: BOGAADIN, DHIIRIGELIN, TEAAGEERO, IYO TALO
    Marka hore waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka Asalaamu calaykum waraxmatullahi wa barakaatuhu, kadib.
    Mudanayaal, Walaalayaal, garabkiinna Rabbi hagalo, Puntland waxay jirsatay 21-sano, waxaana ognahay taariikhda facaweyn deegaanada Dal-Udug, sida ay usoo hogaamin jireen Boqoradeedii, suldamadii, cuqaashii, ilbaxnimadii, iyo ganacsigii ay aduunka la lahaayeen, ilaa uu kasoo galay gumeysigii shisheeye, dagaaladii huwanta ee badd iyo biriba ee dheer-dheeraa oo ay la galeen gumaystayaashii reer Yurub, burburkii ay ugeysteen oo aan lasoo koobi Karin, mid nafeed iyo mid dhaqaale, inkastoo hogaankii reer dal-udug ay ka dhigeen mid ay dileen iyo mid ay meelo kale kuxireen, hadana waligood isma dhiibiin lagamana lib helin, oo waxay siiwadeen halgankii xornimadoonka, dadkeediina in badan oo kamida waxay ukala dhaqaaqeen dhulka af-soomaaliga looga hadlo, ilaa labadii gobol ay xoroobeen 60-kii, dhulkiina uu kudanbeeyey gaari-waan.
    dawladihii Soomaaliya ee kala danbeeyayna aysan waxba uqaban, balse dawladii kacaanka ay saartay cadaadis aad uxun dhan walbaba, kadib dagaalkii sokeeye, dadbadan ay maciin soobideen deegaanadii awoowayaashood kasoo jeedeen, markii dhac, dil iyo bara kicin loogu geystay dhulkii ay boqolaalka sano kunoolaayeen ee Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya, deedna ay dhisteen maamukla Puntland 1998-dii, waxaana ognahay dhibkii loosoo maray iyo sida ay xaaladu ahayd iyo ujeedada loo dhisay Puntland iyo sida cadaawada iyo weerarka loogu hayo ilaa iyo iminka, iyo isbadalada dhanwalba leh ee ay maata dal-udug gaareen, oo ah rag-dheeri.
    Waxaa nasiib dara ah dad ah indhihii bulshada qaarkood, ay wadaan shirar dhaawacaya midnimada, nabada, iyo horumarka reer dal-udug, iyagoo ugan-haadinaya kuwo neceb nolosha dad reer Puntland, ayna wadaan iska hor keen dadka iyo madaxda ay shalay doorteen, taasoo run ahaantii niyad jab ku keenaysa reer Puntland dibad iyo gudaba, laakiin hora loo yiri geeloow iska raamso Ragg iyo Rabbaaad leedahaye, waxaana ku kalsoonahay isimada iyo waxgaradka reer Puntland oo markay murkacataba kusoo toosiya tubta toosan.
    Haddaba anigu aad iyo aad ayaan ula dhacsanahay howlaha baaxadda leh ee maamulka cusub ee gadh-wadeenka kayahay madaxweynaha Puntland Dr.Deni iyo xukuumadiisa ay kutalaabsaday mudadii yarayd ee xafiiska hayey oo ay kamid tahay dhanka ilaalinta iyo dardar gelinta ku dhaqanka iyo sareynta sharciga dowladnimo ee Puntland, midaynta, horumarinta gobolada Pl. siiba gobolka Sanaag iyo gobolada kale, Mashaariicda horumarineed ee ilaha dhaqaalaha Pl., uqareemidda danaha reer Pl, sida maalgashiga Caalamiga ah ee mar aan fogeyn kusoo idlaaday Caasimada Pl. ee Garoowe, furitaanka bilowga wajigii labaad ee Dakada garacad, ilaalinta amniga, iyo tayaynta Ciidamada geesiyaasha qalabka sida ee Reer Pl. iyo wax badan oona soo koobikarin ee suurta gashay mudadii gaabnayd ee uu joogay Dr. Deni xafiiska, iyo kuwa kala duwan ee socda qorshahoodu.
    Si kastaba ha ahaatee, far qudha fool ma dhaqdo, haddaba waxaan ka cosanayaa dhammaan mudanayaashaas, iyo mas’uuliyiintaas reer Puntland ee kur aan ku soo xusay, in aad noqotaan far qudha, ogaada waxaad tihiin indhihii umada reer Pl.
    Qof walba waa in uu mas’uuliyadiisa kaqaataa meesha kaga aadan, oo aad noqotaan ul iyo diirkeek, oo aad garab istaagtaa, dhiirigalisaan madaxweyne Dr. Deni, iyo xukuumadiisa cusub, iskuna wada duubnaataan, iska ilaalisaan docfaruurka, ogaada reer Dal udugoow ha’u gacan-haadinina nacab neceb noloshiina, hadhowna aan iidiin furidoonin, jirowse kufarxaya in aad iska hortimaadaan dhaxdiina, ee walaalayaal bal eega cududada dad ahaaneed, dhul ahaaneed, badd, birri, buuro, xoolo, aqoon ee Eebe idin siiyey ilaal-sada midnimada, horumarka, amniga, gudaha, xuduudaha Pl., aqoontiina maala, ha iska kala dhantaalina karaamadiina, dhiiri gelinta ganacsiga, maalgashiga oo idinku ugu horeeya maalgashiga dhulkiina, kor uqaada caafimaadka, ka faa’iidaysiga khayraanka, badda, milixda Xaafuun & Hurdiya, warshadaha hilibka xoolaha, hargaha, kaluunka, biyaha, beeraha, daboola boholaha dhulka, beera dhirta, ilaalinta deegaanka, joojinta qul-qulka tahriibka, si dhab ah u-tir-tirida argegixisada, iyo taareerayaashooda, iyo wax-walba oo dhiba, nabad galyo xumo, dhaqan xumo iyo magac xumo, inoo keenikara, meelna uga soo wada jeesta, si aan u helno mas-kax caafimaad qabta oo hiigsata horumar iyo xasilooni waarta, idinkoo isku kalsoon, is duuban, iskuna tashanaya, una hiiliya dadka dulman, siiya garab hiil iyo hooba ah shacabka Jubaland iyo madaxda ay doorteen oo uu ugu horeeyo munane madaxweyne Sayid Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoob), oo mardhow bilaabanaysa caleema saarkiisa, sidoo kale is-karab-sada oo uhiiliya shacabka Ogadeniya ama Somali State sida aad ugarab joogtaan Jubaland, ogaadana waa hal-dad, una hogaansama sareynta shuruucda dalkiina oo noqda idinku ilaaliyaha diinta iyo dastuurka dhul-udug, Jubaland iyo Ogadeniya ama, Somali State, daryeela dadka liita, duunyada, duur-joogta, ka sameeya biyo xidheenno daadadka roobka, xidhmooyin daaq, ilaashada deegaanka, sameeya warshadaha fudud oo kor uqaadaya dhaqaalaha dalka, si ay uyaraato shaqa la’aanta, kuna dadaala kala danbaynta, talana saarta Rabbi.
    Wabillahi Towfiiq Aamiin
    Maxamed Cali Ciise (Qalaafe)

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*