Siciid Deni, Faroole & Cumar Cabdirashiid oo Digniin looga soo diray Kismaayo “Ha hurinina Colaad Sokeeye”

KISMAAYO(P-TIMES) – Afhayeenkii hore ee maamulka Jubbaland Cabdinaasir Maax Seerar oo haddana sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ay jiraan Siyaasiin badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo uu sheegay in ay hurinayaan colaado Sokeeye oo kadhaca Jubbaland, isla markaasna ay waqti galinayaan sidii ay u fulin lahaayeen danahooda siyaasadeed.

Mr Seeraar ayaa sheegay in la rabo in Jubbaland laga dhigo fagaaraha doorashada 2020 iyo in laga ololeeyo oo la rabo in Soomaaliya laga burburiyo sida uu yiri.

“Dad waxaa jira siyaasiyiin Soomaaliyeed hada ka hor waa ka hadlay oo u soo hanqal taagaya colaada Kismaayo iyo Jubbaland inay huriyaan, waxaa ka mid ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo aad moodo in is bedel inay halkan kaga ololeeyaan waa nasiib darro in halkan looga ciyaaro banooni oo Soomaaliya laga burburiyo, ma ogolaaneyno waa diidnay in Kismaayo noqoto goob laga duulo”ayuu yiri C/naasir Seeraar.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Xisbiyada siyaasadda iyo Madaxweynaha Puntland inay ka waantoobaan caqabad inay ka abuuraan Kismaayo.

“Siyaasiyiinta xamar jooga iyo iyo Puntland waxaa idin kaga digayaa in aad halkaan caqabad ka abuurtaan, haddii khilaaf jiro waa in aad dib u heshiisiin sameysaan ma ahan inaan gurbaan colaadeed aad garaacdaan”ayuu mar kale yiri C/naasir Seeraar.

C/naasir Seeraar iyo C/rashiid Xidig ayaa hoggaaminaya Golaha la magac baxay is bedel doonka Jubbaland ee bishii Agosto ee la soo dhaafay ay si kala gaar gaar ugu dhawaaqeen in taageerayaashooda ay u doorteen Madaxweynaha Jubbaland.

3 Comments

  1. Karim waa muwadin reer puntland ah oo maan mugweyn leh. Waxaa qoraaladiisa ka mid ah….

    SHICIBKA PUNTLAND AYAA NOQDAY DULMANAYAAL CABAAD IYO CABASHA KASOO HADHAY. WAA ISU QABE, CIDINA U QABIN ABAAL IYO WANAAG, COLAAD MOYEE¡¡¡¡

    KASSIM hadalkiisu ma aha wax iska dheh ee waa xaqiiqada hortaal Reed puntland.

    Dadkaaga iyo dalkaaga dulmi u diid oo Sida KAASIM ku biir¡¡¡

    “XISBIGA XORNIMADA PUNTLAND”

  2. Sow kii afhayeenka , A. madoobe ahaan jirey, ma isagaa is doortay, hadana hanjabaya, adeer adigaa hadda dab qabiil shidaya, Odayaashaas Kismaayo guryohoodii baa ku yaal, ma garaneyno meesha aad ka timid. hadalka Siyaasadana waad ku dhacday. hadalkaaga ka fiirso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*