TOOS U DAAWO: M/weyne Farmaajo oo ka hadlaya Arrimo xasaasi ah, si weyna loo sugayo.

MUQDISHO(P-TIMES) – Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furaya kalfadhiga baarlamaanka Faderaalka, waxaana madashaas uu ka jeedin doonaa khudbad Dastuuri ah oo aad loo sugayo, iyadoo arrimaha dalka ka taagan uusan marar badan ka hadlin Madaxweynuhu.

Kalfadhiga mudanayaasha baarlamaanka ayaa ku beegmay xili ay isbedelo waa weyn ka jiraan xaaladdaha siyaasadeed ee dalka, isla markaasna ay adag tahay wada shaqeynta u dhaxeysa dawladda Faderaalka iyo maamul gobaleedyada qaarkood.


Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisan aad loo sugayaa, waxaana wararku ay sheegayaan in uu kaga hadli doono ficilada dawlad gobaleeyda, dalalka jaarka ah iyo arrimaah inta badan lagu dhaliilayo dawladiisa

Farmaajo ayaa shaacin doona qabashada doorashada waqtigeeda marka la gaaro, taas oo uu kucelceliyey marar kala duwan, balse aysan jirin latashi ay kala yeesheen saami-leyda siyaasadeed ee dalka.

Ammaanka ayaa la adkeeyey, waxaana xildhibaanada qaarkood oo hadda kusugan xarunta Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho ay diidan yihiin hanaanka saxaafadda madax banaan looga reebay kasoo qeybgalka kulankan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*