WAR DEG DEG AH: Madaxweynaha Puntland oo ka dagay Kismaayo & Shir Jaraa’id.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay xubno kayihiin mudanayaal katirsan baarlamaanka Faderaalka labadiisa golle ayaa ka dagay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, oo ay uga qeybgalayaan Caleema-saarka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Puntland ayaa aroornimadii saaka kasoo duulay magaalada Garoowe oo uu shalay ka yimi Boosaaso, waxaana lafilayaa in uu sadexda maalmood ee nagu soo aadan halkaas kulamo kula yeesho qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Siciid Deni ayay asoo dhaweeyeen dhigiisa Jubbaland ee hadda, madaxdii hore ee maamulada Koonfur Galbeed & Galmudug oo madashaas ku sugnaa, waxayna hadda si wadajir ah ula hadlayaan Saxaafada garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Waa safarkiisii koowaad ee uu ku tagayo Kismaayo tan iyo markii u xilkan qabtay bilowgii sannadkan.

Wafdiga Puntland, waxay la kulmi doonaan qeybaha bulshada oo ay kala hadlayaan sidii ay u adkeysan lahaayen ammaankooda, xili ay socdaan isku dayo fara badan oo ay qeyb ka tahay dawladda Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*