WAR DEG DEG AH:Garowe oo dagaal koobani ka dhacay & Askari ku dhaawacmay

GALKACYO(P-TIMES)- Wararka haatan aanu ka helayno magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal kooban oo is rasaasayn ah uu ku dhex maray gudaha magaalada Garoowe ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo malayshiyaad wata qoryaha fud fudud ee dagaalka.

Dagaalkani ayaa yimid kadib markii ciidamada amaanka ay hawlgalo hub ka dhigis ah ka bilaabeen gudaha magaalada Garoowe taas oo sababtay dagaal dhex maray ciidamada iyo malayshiyaad watay hub waxaana goobtaasi ku dhaawacmay sida la sheegay askari ka tirsan ciidamada amaanka.

Askariga dhaawacmay ayaa waxa ay walaalo yihiin taliye ku xigeenka qaybta Booliska Puntland ee gobolka Nugaal Ciise Sulunbe, waxaana dhaawaciisa loo cararay askarigani cisbitaalka si loo dabiibo.

Xaalada magaalada ayaa caawa kacsan, waxaana socda hawgalo ay wadaan ciidamadu si loo xaqiijiyo amaanka halka hubka laga ururinayo cid walba oo wata.

Wixii kusoo kordha warkaasi kala soco PUNTLANDTIMES.COM

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*