WAR DEG DEG AH:Kiiskii Caasha Ilyaas oo war culus kasoo kordhay & Maxkamadda sare ee Puntland oo ku dhawaaqday in ragii loo haystay qoorta laga jaro

BOSASO(P-TIMES)- Wararka Warsidaha Puntlandtimes.com uu hada ka helay maxkamadda sare ee Puntland ee ayaa waxa ay ku dhawaaqay in si deg deg ah loo fuliyo kiiskii Caasha Ilyaas Aadan oo ahayd gabadh yar oo lagu dilay laguna kufsaday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waxa ay garsoorayaasha maxkamaddu meesha ka saareen in dibu eegis lagu sameeyo kiiskaasi kadib markii codsiyo kala duwan ay u direen ehelada iyo qaraabada ragii ku eedaysnaa kiiskaasi si loo baajiyo, waxaana dhankeeda ay maxkamaddu ku dhawaaqday in codsiyadooda la laalay.

Gudoonka maxkamadda sare ee Puntland ayaa waraaq u qoraya madaxweynaha Puntland si xukunkooda loogu fuliyo ragii dilay kufsadayna Caasha Ilyaas, waxaana meesha ka baxaya dadaaladii ay wadeen odayaasha dhaqanka iyo ehelada raga ku eedaysay in ay ka dambeeyeen kiiskaasi.

Kiiska Caasha Ilyaas ayaa maray saddex maxkamadood kuwaas oo kala ah maxkamadda Racfaanka, maxkamadda Dajada koowaad iyo maxkamadda sare ee Puntland, waxaana dhamaantood xaakimayaashu ay isku raaceen meel marinta kiiskaasi iyo xukunkiisa oo isku mid noqday.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni oo maalinta beri ah ku wajahan magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa waxaa la filayaa in uu saxiixo go’aanka kama dambaysta ah ee lagu tooganayo ragii ka dambeeyey kiiska Caasha Ilyaas.

Wixii kusoo kordha warkaasi kala soco WWW.PUNTLANDTIMES.COM

War deg deg ah oo ku saabsan Raggii ka dambeeyey Dilkii Caasho Ilyaas oo na soo gaaray.

XOG: Maxay tahay Sababta 3dii Nin ee Dilay Caasho Ilyaas loo geeyey Boosaaso, Maxaase loogu fuulin waayay Xukunkii kudhacay?

2 Comments

  1. Ninkii Gaas ahaa ma loo darsaday mise waa lagha raystay?

    meeshii wax isku dhexyaacday, jiho ay u socotana la garan maayo, dhul la xoreeyayna lama hayo.

    bal wax noo sheega, ninku mujrimiinta ma cabsi qabiil baa ka hortaagan inuu mariyo waajibkooda.

  2. Ninkii Gaas ahaa ma loo darsaday mise waa lagha raystay?

    meeshii wax isku dhexyaacday, jiho ay u socotana la garan maayo, dhul la xoreeyayna lama hayo.

    bal wax noo sheega, ninku mujrimiinta ma cabsi qabiil baa ka hortaagan inuu mariyo waajibkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*