Wararkii ugu dambeeyey, Xaalada Gaalkacyo oo qasan & Masuulkii lagu dhex dilay qolkiisa oo war cusub kasoo kordhay

GAALKACYO(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee haatan aanu ka helayno magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in hawlgalo culus ay caawa ka wadaan gudaha magaaladaasi Gaalkacyo, kadib markii goor dhoweyd lagu dhex dilay maamulihii Kastanada ee wasaaradda Maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug Xasan Cabdille Hiraabe qol uu ka daganaa Hotelka Al-Raxma oo ku yaala magaalada Gaalkacyo.

Dilka taliyaha kadib ayaa waxaa goobtaasi soo gaadhay ciidamo ka tirsan kuwa amaanka Puntland, waxaana baadhitaan xoogan uu xiligani ka socda aaga Hotelka lagu dilay taliyaha iyo xaafadaha magaalada qaarkood.

Maydka Xasan Cabdille ayaa hadda la geeyey cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay laamaha amaankuna ay wadaan baadhitaano la xidhiidha dhacdadan.

Xuseen Cabdille ayaa horey u soo noqday xubin kamid ahayd golihii deegaanka ee magaalada Gaalkacy iyo ku xigeenka Duqa magaalada sidda ay sheegayaan dadka aqoon u leh.

Ilaa hada ma cada cida dishay iyo sababaha loo dilay hasa yeeshee waxaa muddooyinkii ugu dambeeyey kusoo badanayey magaalada Gaalkacyo dilal qorshaysan ee loo gaysanayo xubnaha ka tirsan dowladda Puntland.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*