WARBIXIN: Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya ee ku kulmaya Kismaayo, Maxayse soo saari karaan?

KISMAAYO(P-TIMES)- Hoggaamiyaasha Siyaasadda Soomaalida ee waqtigan ayaa gaaray magaalada Kismaayo in badan oo kamid ah, marka laga reebo maamul gobaleedyada taabacsan dawladda Faderaalka ee ay miisaaniyadda siiso, waxaana xubnahan oo dhan ay hadda yeelan doonaan kulamo siyaasadeed.

Si siman ayay uga soo horjeedaan ficilada ay wadaan Madaxda dawladda Faderaalka ee hadda, waxayna u arkaan in aysan dooneyn dawladnimada dalka oo ay doonayaan in ay xukunka sii haystaan, aysana qaban doorasho waqtigeeda ku dhacdo ama dhinacyada oo dhan ay raali kawada yihiiin.

Ma jiro hoggaamiye Soomaaliyeed oo si gaar ah u eegaya danaha Soomaalida, marka xataa lagu daro Madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya, waxayse dhinacyadan hadda ka siman yihiin sidii doorasho u qabsoomi lahayd.

Nooca doorashada iskuma raacsana dhammaantood hadda kusugan Kismaayo, balse waxaa mideeyey sidii Xukuumadda Faderaalka ee hadda loogu qasbi lahaa in ay qabato doorasho ku dhacda waqtigeeda, ka horna laga wada hadlo hanaanka doorasho ee la aadayo.

Si furan ayay u sheegeen Madaxdii hore, gaar ahaana Shariif Sheekh Axmed, Xassan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur sida loogu baahan yahay in la helo doorasho waqtigeeda ku dhacdo oo ay qabato dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Dad badan ayaa indhaha ku haya hab dhaqanka socda iyo sida ay uga jawaabi doonaan dhinacyadan, dadka qaarkoodna waxay u arkaan hoggaamiyayaal careysan oo isku tagay, balse waxyaabaha kasoo baxaya ayaa caqabad ku noqon dona.

Kismaayo, waa madashii lagu asaasy Golihii Iskaashiga dawlad gobaleedyada bishii June ee sannadkii 2018-kii, wuxuuna noqday golle markii dambe uu ku soo haray oo kaliya Axmed Madoobe oo maanta caleema-saarkiisa ay iskugu yimaadeen xubno kala duwan.

LA SOCO WARARKEENA RIIX HALKAAN

1 Comment

  1. They are not part of political state holder, but they are spoilers. Most of them they have been committed highest TREASON in many times not only one or twice.
    We know each of one, their legacy.
    I wish Somali people one day, they will wake up and will bring for justice the Spoilers, because they are deserved that.
    Those who are today in Kismaayo, they are Supporters of Kenyan Government. Unfortunately
    the guys are against for their follow countr.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*