WARBIXIN: M/weyne Farmaajo, Cali Khaliif & Cali Ciise Cabdi oo ku heshiiyey dagaal ka dhan ah Puntland Iyo Somaliland, Dhismaha Maamul cusub.

MUQDISHO(P-TIMES) – Tan iyo markii uu ka dagay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya hogaamiyaha Khaatumo Proff. Cali Khaliif Galaydh ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ka socday qorshe cusub oo ay dabada ka riixayso dowladda federaalka Soomaaliya.

Qorshahani oo inta badan diirada lagu saarayo dhismaha maamul cusub oo loo dhisayo beelaha ku abtirsada deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa waxaa looga gol leeyahay in dowladdu ay xoog ku muquuriso mucaaradada kaga imaanaysa dhinacyada Puntland iyo Somaliland oo haatan uusan wanaagsanayn xidhiidhka kala dhaxeeya dowladda.

Mr. Galaydh ayaa soo jeediyey in madaxweyne Farmaajo uu xooga saaro doorashada soo socota in Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia u matali doona Beesha Dhulbahante in lagu doorto magaalada Muqdisho isla markaasna aan dib loogu soo dooran magaalada Garowe oo markii lagu soo dooran jiray si ay garab uga siiyaan doorashada dambe Madaxweyne Farmaajo.

Dr. Cali Ciise Cabdi oo isna kamid ah aqoon yahanada Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Beesha Dhulbahante isla markaasna doorashadii ka dhacday Garowe bilowgii sanadkani kamid ahaa musharaxiintii u taagnaa xilka madaxweynaha ayaa isna go’aan raacsan Proff. Galaydh, waxaana ay madaxweyne Farmaajo kala hadleen dhismaha maamul cusub oo ay ku midoobaan Beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante kaas oo culays ku noqon kara maamulada Puntland iyo Somaliland oo inta badan ku muransan gacan ku haynta deegaanadaasi.

Somaliland ayaa dadaal badan ku bixin doona kusii nagaashaha qaybo kamid ah goboladda Sool iyo Sanaag halka Puntland iyaduna ay guluf colaadeed ku wajihi doonto hadii Somaliland ay kusii adkaysato go’aankeeda hasa yeeshee labadoodaba waxaa walbahaar ku hayn doona dhismaha maamulkan cusub oo laga yaabo in xiisad cusub uu ka dhex abuuro labada dhinac.

Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo xubnaha xilalka ka haya dowladda federaalka Soomaaliya ee Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli ayaa haatan sii xoojinaya qorshahani maadaama dadaal badan ay ku bixinayaan hirgelinta qorshaha maamulkan cusub.

Madaxda dalka ayaa iyaguna dhankooda aqbalay hirgalinta qorshaha maamul loogu dhisayo Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli si uu uga yaraado cadaadiska uga imaanaya Puntland iyo Somaliland.

Weli ma cada goobta lagu dhigi doono caasimada maamulkan cusub iyo goorta la dhisi doono, hasa yeeshee Qurba joogta iyo waxgaradka kasoo jeeda deegaanadaasi ayaa u hanqal taagaya ku dhawaaqista maamulkan, waxaana socda shirar iyo kulamo gogol xaadh u ah maamulkaasi.

Hadaba maxay tahay faa’iidada ugu jira DFS dhismaha maamulkan?

Dhinacyada indha indheeya siyaasada dalka ayaa ka aaminsan maamulkani cusub mid halis ku noqonka Puntland iyo Somaliland, waxaana madaxdu ay wakhtigani fursad u arkaan in ay ka tanaasulaan cid walba oo mucaarad ku ah siyaasadooda.

Hogaamiyaasha Puntland iyo Somaliland oo xurguf kala dhaxayso madaxda Soomaaliya ayaa iyaguna kusii yara adaygi doono kusii nagaashaha maamuladooda deegaanadaasi oo marar badan ay dagaalo ku dhex mareen ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Cali Khaliif Galaydh ayaa isaguna laga aamisan yahay in uu dadaal badan ku bixinayo sidii uu u noqon lahaa madaxweynaha maamulkan cusub.

Inkastoo wax kalsooni ah uusan ka haysan Beesha Dhulbahante ayaa waxaa hadana kula tartami doona xilkaasi masuuliyiin badan.

 

 

4 Comments

  1. Gobolada SSC, waxaay Marwalba mudnaayeen iney ka mid noqdaan Maamul Beeleedyada Hadda ka jira waddanka.
    Weligeeyna intii ay bilaabatay Sheekeeyinka Qiyaaliga ah ee Reer Hebel baa Dowlad noqday, waxaan u arkayey iney muhiim tahay GOBOLADA SSC, iney ka mid noqdaan Maamullada ka jira Gobolada Dalka.
    Reer Puntland dadka ku nool Degaanadaas haddii ay idin ka dhabta tahay Damiir ka Soonaalinimada waa inaad Aqbashaan Maamulka SSC. Waayo adinka wax dhibaato ah idinkagama imaabayaan even Zero Point One idinkagama soo gaarayaan.
    Waqtigaan la joogana Adinku kama talisaan, laakiin magac ahaan baad u sheegataan, Waxaaba ka sii daran iney Fowdo iyo deganaansho la’aan iyo Hanhabaad ka imaaneysa Hargeysa ay dhib weyn idinku tahay.
    MAAMULKA GOBOLADA SSC, Waxaa kaliya ee midnimada Soomaaliya, waayo Waxaa imaaneysa JABHADDA SNM iney si fiican Saaxiga u keenaan, halkaasna ummadda Soomaaliyeed Dhibaatada Iyo Dullinimada kaga baxaan,
    Waayo KENYATI, iyo EMIRATES ha kuu Hanhabaan waa Dullinimo weyn, waana wax aad iyo aad looga xumaado.
    1980’s ayaa laba Macalin oo Dhaqaakaha ka dhigi jirey Kulliyaddii Siyaasadda, ayaa nooga Sheekeeyey Sida ay tahay Shaqaale ahaan waayo ayagu waxaay ahaayeen Dhaqaale yahanno, Cabdikariim Reeryo wuxuu dhigi jirey Dhaqaalaha Hantigoosadka, Cabdirisaaq-na wuxuu dhigi jirey Dhaqaalaha Hanti-wadaagga,
    Waxaay moo sheegeen In Nairobi tahay London Barkeed, laakiin bay tiraahdeen haddii aad ka baxdo Nairobi,dadku waa Qaaqaawan yihiin,
    Sidaa awgeed bay tiraahdeen haddii Dhinaca Dhaqaalaha MAALGASHIGA Envesment Waxaa ku habboon Soomaiya, iyagoo u sababeeyey in Qofka Soomaaliga ah ee Baadiyaha jooga Xoolo dhaqatada ah >>> wuxuu qabaa Dharkii,Kabihii,Saacaddii, Raadiyihii, Record kii, wuxuu Iibsanayaa Dhammaan Cuntooyinka laga Isticmaalo Magaalooyinka.
    Laakiin Kenya waaba moo Hanjabeysaa. Oraah Soomaali ah baa waxaay leedahay ” Geed baa yiri, Gudin yahay Haddii uusan kugu Jirin Ima aadan Goyseen”
    Iney moo Hanjabto Waxaa nabaday oo sababteeda leh wax magarato uu galay Damac Siyaasadeed una Isticmaalay Qabyaaladda Dowladdiina Ridey, DOWLADNA DHISI WAAYEY, HANTIDII UMMADDA SOOMAALIYEED U DHEXEYSAYNA BADBAADIN WAAYEY.

    • Fulaygu ninkii u tura ayuu handadaa, oo u booteeyaa. Galayr reer tolkiis ayuu afka ku hayaa. Kuma dhaco, xaataa isagoo jooga muqdisho, in uu hal eray u leexiyo muuse biixi. Tan kale gobolka sool iyo cayn yaa ka difaacaya muuse biixi, marka ay puntland faraha kala baxdo. Farmaajo se halkee buu usoo Marin cidadanka maamulkaas difaaci doonan. Ma diyaarado ayuu ku rusheyn muse biixi iyo somaliland, mise darbiga gaalkacyood ayuu soo jabsan oo hiil iyo hoo ula garab istaagin reer sool. Waa sheeko loogu talagalay maaweelo. Ama tuf, ama liq, aday kuu taal. Durbaanka maaweelada cidii hunguri u hagaysa ayaa la liqsiiyaa.

      VIVA REPUBLIC OF PUNTLAND

  2. Kanagan abdiwali layidha sxb wax yar baa was ku xasuusinaya miyadan ogen in somaliland kusjogto shulka darwiishalnd ama ssc Tabitabka ninmanka dhulbahante ee wata anigu an ku sheege waxxan ahay nin jamac siyada raga meesha ku hayana idoorka waa tuugtayada lakin marka runtu timaado iga wallan idoor nugaal Cagahaa igu sii hayn karin sababta ay ku joogana waxa ka reebi kari waynay qaybo dhulbahante ka mida inay darood iyo dhabayaco ka hadhan sidaasanu igu haynaa idoor waxa meesha ku dhintana wa dhabayaco iyo idoor raga deeganka iskalihina wa ku dhax qayalayan market dhimanayan taas fahan macneheeda hadad damirr lee dahay

    Teeda kale dhulbahante iyo dhabayaco dad is yaqana ama isku dhaqana maha ee markaaf lee dahaay ya ka calina somaliland dhulka ssc oo mado dhabayaca baa maanta leh dhulbahantan idoor ka celinaya war ileen tano kale maloso jegey

    WAR hadanu nahay darawiishta iga wale maheerteenka inanu xabad uquudhno waxa noo Shanta inanu miidgan nala dagan ku dhugano waayo Dee mj xagaya waxay ka yihiin iyo waxad is looden ba kala duwan

    Anaku waxanu idiin heysana inaad tihiin Umul mandher dheer balse adinku waxad isu haysatan cid idiin ogi waleysan u jirin ku darso odayashan bila nigiska ah ee ad garoowe ku haysan walahi malinta mamulku dhaqqo garoowe naga eega idoorna hadii majeertenow ay idiin yihiin malagii nafta qadayay oo ad ka baqdaan anaga xagaya wa ka bisado ee ya idoor naga dhaxesa anagey noo taal oo dibjiritayadii jeentay uunba iminkaba diri oo waliba xabad futada ka galin

    Ma waxan idinku so deyn habar digire sow calowla idinku shubi mayan ma marexan iyo leljasa idinka celin

    Marka inader waxan filaya inaad tahay cayiil aan waxba ogeyn iyo sida somali kala tahye garoowan kula degaaye ha iska ciiden nabada yar web karaha snm duljogta hadii kale walahi idoor banu lee nahay so qabqabta iyo ga iyo madax weenahooda foosto gobolo ila isimada bila nigiska ah

    Mida kale waxan idin weydiyay dhayacoy ilameedaryalow afka maxa idinka dhacay ma cudurba qofkan arko oo dhabayaco afka sabiisha sacaad wada lee dihinn

    Waxba ha nixina ssc mamulokda khaatuma ka talinaya Ama naxa ama farxa awalba ayeeydinba hinaas u dhimatay oo tasi waa cadadiin

    Haora losocnaha

    Cagaha dhulka ku xejiya inyar

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*