Xassan Sh oo digniin adag u diray Madaxweyne Farmaajo

KISMAAYO(P-TIMES) – Madaxweynihii hore ee dawladda Faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si adag u naqdiyey Isku dayga dawladda Faderaalka ee kuwajahan mudo kororsi ay sameyso xukuumaddiisu, wuxuuna sheegay in aan tasi cidna laga yeelin.

Xassan ayaa ku celiyey fikradda ah in ay mudo dheer soo wadeen dawladnimada Soomaaliya oo ay waqti soo galiyeen, yoolka ama ujeedada ugu weyna ay ahayd in horey loo dhaqaajiyo dawladnimada dalka.

Dadaal kasta oo ay soo galeen, ayuu sheegay in ay hadda dawladdu doonayso in ay dib u celiso, wuxuuna ku tilmaamay talaabo aan la qaadi karin waxyaabaha hadda socda.

Wuxuu ka digay mudo kororsi ay ku fakarayaan madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in waqtiga socdaa uu yahay 15 bilood oo u hartay oo kaliya.

“Wax ku darsi ah waa xaaraan 4 sanno ayuu haystaa Madaxweyne Farmaajo 08 Feb 2021-ka ayuu kaaga e’eg yahay waqtigu” ayuu yiri Xassan Sheekh.

Maamulada waxyaabihii kala duwanaa ee laga sameeyey ayuu soo qaaday oo uu sheegay in ay dhamaantood ahaayeen kuwa kasoo horjeeda dawladnimada dalka, si gaar ah wuxuu soo qaaday Baydhabo, Kismayao & Garoowe oo dhamaantood lagu sameeyey iskudayo faragalineed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*