Xassan Sheekh, Sh Shariif iyo 50 Xildhibaano oo goor dhaw ka duulaya Muqdisho.

MUQDIHSO(P-TIMES) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo wafdi ay hogaaminayaan ayaa ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland oo ay uga qeybgalayaan Munaasabada Caleema-Saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoo ay madasha joogaan madaxweynaha Puntland iyo xubno kale.

Wararka ayaa sheegaya in madaxdii hore ay socdaalkoodan magaalada Kismaayo kaga baxayaan Muqdisho abaare 11-ka barqanimo ee waqtiga Soomaaliya, waxaana ay hogaaminayaan in ka badan 50 mudanayaasha baarlamaanka labada golle ah.

Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa in badan oo kamid ah taageersan yihiin Jubbaland, waxaana muuqata in xisbiyada mucaaradka ee Himilo Qaran & UPD ay labaduba si buuxda u taageereen Jubbaland.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo oo isna dhoofaya isla saacadahaas ay suuragal tahay in uu amro in aysan bixi karin xubnahan, waana makrii 2aad oo ay sidaas oo kale dhacdo haddii ay talaabadaas hirgasho.

Warsidaha Puntlandtimes wuxuu ogaaday in aysan jiri karin is hor istaag maanta, maadaama ay Kismaayo tageen inta badan madaxdii laga celinayey oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo goor dhaw ka dagaya.

Labadii todobaad ee u dambeeyay ayaa waxaa jiray cadaadis siyaasadeed oo Madaxdii hore iyo Xisbiyada siyaasada wadeen, kaddib shirar ka dhacay Muqdisho oo looga soo horjeeday tallaabada dowladda Federaalka ku xayirtay safarkii Madaxweynihii hore Sheekh Shariif iyo saameynta uu reebay.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Federaalka ayaa u muuqata mid ku guuldareysatay isku daygeedii ahaa inay joojiso caleema saarkii Axmed Madoobe oo ay horay u shaacisay in aanay aqoonsaneyn, isla markaana wafuudi kala duwan oo ka qeyb galaya caleema saarka ay bilaabeen inay tagaan Kismaayo, iyadoo uu jiray amarkii diyaaradaha ku soo rogtay.

1 Comment

  1. Xasan sheeq iyo sheeq shariif ceebtiina ala ma asturo. Isma ceeb sadaan miyaa. Siiba sheeq shariif cagadii uu banaan ka ku aaday si uu ugu xajoodo. wagii maxakimta aya mel kutaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*