Xiisadii u dhaxaysay Ciidamadii isku hordhiyey duleedka Caasimada Muqdisho oo la xaliyey & Jawiga maanta..

GALKACYO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay tahay xaalada deegeenkaasi tahay mid dagan kadib xiisad maalmahan ka taagnayd deegaankaasi

Intii ay taagnayd xiisadu deegaankaasi ayaa waxaa ku barakacay shacab aad u fara badan kuwaasi oo ka cabsi qabay in ay noloshooda saamayso.

Waxaa sidoo kale uu dib u dhac ku yimid dhaq dhaqaaqa adeegyada bulshada iyo ganacsiga taas oo ay sabab u ahayd cabsi ay shacabku ka qabeen in uu dagaal culus  ka qarxo deegaanka Lafoole.

Balse maanta ayaa lagu soo waramayaa in jawigu uu yahay mid dagan isla markaasna ay shacabkii barakacay  dib ugu soo laabanayaan guryahoodii.

Xiisadda deegaankaasi ayaa timid kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay ciidamo ka tirsan  milateriga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka taas oo haatan xal loo helay sida la sheegay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*